X

Xukuumadda Ethiopia Oo Muujisay Hoggaamiyayaal Laga Qabtay Tigray

Araweelo News Network.

#Ethiopia Oo Muujisay Hoggaamiyayaal Laga Qabtay Tigray

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa warbaahinta kusoo bandhigtay hoggaamiyayaal kooxda TPLF ee Tigray oo lasoo qabtay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Gobolka Abay Weldu iyo madaxweyne ku xigeenkii hore Abraham Tekeste.

Warbaahinta dawladda ayaa lagu soo bandhigay muuqaalada hoggaamiyayaashaa, iyadoo dhinaca kale Millateriga Ethiopia ay sheegtay in ay dileen 15 xubnood oo ka tirsan xisbigii hore ee xukumayay gobolka Tigray ee TPLF, isla markaana ay qabteen 8 kale oo saraakiil ah, kuwaas oo uu ku jiay taliye ku xigeenkii hore ee booliska gobolka Tigray.

 

 

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaranka ee Ethiopia, ayaa idaacadda ku hadasha afka dawladda ee Ethiopia u sheegay Axaddii in dadka la qabtay uu ku jiro madaxweynihii hore ee gobolka Abay Weldu, oo sidoo kale hore u ahaa guddoomiyihii xisbiga talada haya ee gobolka.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed waxay ku dhawaaqday inuu ku guulaysatay dagaalkii ay la gashay Tigray People’s Liberation Front (TPLF), oo ah xisbi siyaasadeed oo hore u maamuli jiray gobolka, November 28 ka dib markii ay dib ula soo wareegtay gacan ku haynta caasimadda gobolka, Mekelle.

 

Dagaalku wuxuu billowday kaddib markii sida la sheegay ay kooxda TPLF weerartay fadhiisimaha ciidamada federaalka ay ku lahaa goobo badan oo gobolka katirsan, dagaalkaas oo dhaliyay khasaare weyn, isla markaana gilgilay Geeska Afrika.

Dhinaca kale, Saraakiisha TPLF, ayaa ka hadlay qabashada hoggaamiyayaasha ay xukuumaddu shaacisay, waxayna sheegeen in aannay qabashada halyeeyo haatan gaboobay oo laga qabtay aannay ahayn mid joojinaysa dagaalka, waxayna ku hanjabeen in gobolka Tigray uu xabaalo u noqon doono kuwa ay sheegeen in ay kusoo duuleen. Sidaana waxa lagu shaaciyay warbaahinta taageerka TPLF.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post