X

Senatarada Jamhuuriga Oo Ka Muquurtay Barnaamij Su’aalo Lagu Weydiinayay Iyo Dacwadda Trump Oo Weli Wareegay

Sen. Lindsey Graham

Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Senatarada Xisbiga Jamhuuriga, ayaa ka muquurtay Barnaamij la doonayay in wax lagaga weydiiyo wixii ka dhacay Capitol 6 Jan 2021. Kaddib markii ay dhismahaa qabsadeen taageerayaal si weyn u abaabulan oo lagu tilmaamay cannaasiirta Trump.

 

Jacob Paul Tapper oo ah suxufi Maraykan ah, ayaa ah hoggaamiyaha Baroosinka Washington ee CNN, wuxuu sheegay in barnaamijka arrimaha bulshada ee subaxnimada Axada oo lagu magcaabo midnimada qaranka ku casuuminay Senator kasta oo xisbiga Jamhuuriga ah si uu ugu soo biiro subaxnimada.

Balse Jake Tapper ayaa u sheegay barnaamijka midnimo qaran (State of Union) in daawadayaasha subaxnimadii Axada mid kasta oo ka mid ah uu diiday ama uu ku fashilmay inuu ka jawaabo.

Wuxuu sheegay taas bedelkeeda ay waajihi lahaayeen su’aalo adag oo ku saabsan rabshadihii dhimashada sababay ee todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Baarlamaanka ee Maraykanka.

Jake Tapper ayaa sheegay in Senaterada Jamhuurigu ay doorteen inay ku dhuuntaan aamusnaan ama wuxuu ku tilmaamay hubka raaxada leh ee warbaahinta muxaafidka ah, wuxuuna tusaale usoo qaatay Sen. Lindsey O. Graham oo uu sheegay inuu doortay hubka raaxada leh,  isagoo gabaad ka dhiganaya goobta nabdoon ee warbaahinta Fox Business.

 

Dhinaca kale, Lindsey Graham waxay weydiisatay Chuck Schumer, oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Aqalka Senate-ka, inuu diido dacwad-ku-qaadista Trump ee loo bixiyay magaca bogsiinta qaran.

Graham, oo saaxiib dhow la ahaa Trump, ayaa si kooban u jebiyay madaxweynaha ka dib kacdoonkii 6-dii Jan,  laakiin waxa la sheegayaa in in wixii markaa ka danbeeyay uu ku soo laabtay inuu difaaco Trump.

 

Waraaqda uu u qoray Schumer, Graham wuxuu ku dooday in haddii dacwadda aan la baabi’in ay dib u dhigi doonnaan waqti aan la cayimin, haddii aannayba weligood ahayn.

Sen. Lindsey Graham ayaa ka codsaday Sen. Chuck Schumer warqad uu Axadii u diray in loo qabto cod Senate-ka ah oo diidaya dacwada xil ka qaadista madaxweyne Donald Trump.

 

“Guurtida waa inay u coddeeyaan inay diidaan qodobka xil ka qaadista marka laga helo Senate-ka,” sidaa waxa yidhi, Graham, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee South Carolina, isagoo qoraal warqad ah ku sheegay sidaa. “Waxaan dib u dhigi doonnaa waqti aan la cayimin, haddii kale waligeed, bogsiinta qarankan weyn haddii aan si kale yeelno.”ayuu yidhi.

Dacwada Trump, ayaa laga yaabaa in aan loo gudbin aqalka Sanetka oo la filayo in maalinta beri ee salaasada loo gudbiyo, balse waxa la filaaya in arrinta dib loo dhigayo inta ay dhammaanay munaasibada xil wareejinta ee caleema saarka Joe Biden ee Arbaca 20 Jan 2021.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post