X

Pompeo:  Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Oo Wejigabax Iyo Bahdilaad Kala Kulmay Midawga Yurub

Michael Pompeo and Trump

Araweelo News Network.

Pompeo:  Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Oo Wejigabax Iyo Bahdilaad Kala Kulmay Midawga Yurub

Brussels(ANN)-Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Michael Pompeo ayaa u xushay maalinta xil ka qaadista Arbacadii shalay sayidkiisa si uu u dhiirrigeliyo aqoonsi aad u kala duwan oo loo aqoonsado Donald Trump  abaalmarinta madaxweynaha ee Nabadda NobelPrize.

Pompeo ayaa bartiisa Twitter-ka subaxnimadii Arbacada si fudud u qoray: “cc: @NobelPrize” oo uu ka hooseysiiyay sawirka Trump oo ay la socdaan hoggaamiyayaasha Israel iyo Carabta markii ay heshiis diblomaasiyadeed la saxeexanayeen dowladda Yuhuudda bishii Septembe 2020..

Hase yeeshee  Michael Pompeo oo ka mid ah saraakiisha sida weyn u taageersan Trump ee lagu qoray liiska madaw ee taariikhda Maraynaka, isla markaana  markii taageerayaasha  madaxweyne Trump ay qabsadeen xarunta Kongress-ka, ee aqalka Capitol, ayaa weji gabax kala kulamay safaradii u danbeeyay ee Midawga Yurub iyo dalal kale oo uu booqday.

 

Pompeo, oo ah xulufo aad ugu dhow Trump, ayaa doonayey inuu Jean Asselborn kula kulmay dalka Luxembourg oo ah dal yar balse ah hodan muhiiim u ah gaashaanbuurta NATO, kahor inta aannu  hogaamiyeyaasha Yurub kula kulmin magaalada Brussels, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

Safarka Pompeo ee Luxembourg ayaa la baajiyey kadib markii saraakiisha ay ka cago jiideen inay ballan  u qabtaan. Safarka Brussels ayaa sidoo kale la baajiyey.

“Hogaamiyayaasha Yurub waxay ceeb u arkeen la kulanka Pompeo kadib rabshadihii Arbacadii tagtay ka dhacay Washington,” waxaa sidaas yidhi diblomaasiyiin Yurub ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post