#Araweelo_News_Network
Abu Dhabi (ANN)-Maraakiibta dagaalka ee adduunka oo dhan ayaa maalmaihii u danbeeyay imanayay Abu Dhabi, halkaas oo ay ku taal dalka xarunta ADNEC Marina – Waterfront, Xarunta ADNEC ee Abu Dhabi waa mid ka mid ah goobbaha loo xulay adduunka oo dhan, taas oo awood u leh inay abaabulaan dhacdooyinka guddaha iyo bandhiga difaaca,
Bandhigga Difaaca iyo Amniga Badda “NAVDEX” 2025. ayaa noqonaya kii siddeedaad, iyadoo ay durba soo gaadheen maraakiibta Badda oo ka kala socda siddeed waddan oo la soo bandhigi doono, kuwaas oo ay ku jiraan dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain, Oman, Pakistan, Greece, South Korea, iyo India
Bandhiga ayaa la qaban doonaa laga bilaabo Feb 17 ilaa 21 2025, iyadoo lala kaashanayo Bandhigga Difaaca Caalamiga ah “IDEX”. kaas uu soo qaban qaabiyay ADNEC Group oo kaashanaysa Wasaaradda Difaaca iyo Gollaha Tawazun. sida lagu sheegay warbixin kooban oo ka hadlay abaabulka.
Sarreeye Guuto Rashid Ibrahim Rashid Al Muhaisni, Guddoomiyaha Guddiga Badaha – NAVDEX 2025, ayaa isagoo ka hadlaya yidhi, “Waxaan mar walba ku hanweynahay inaan noqono diiradda dareenka adduunka, iyadoo kumanaan VIPs ah iyo go’aan-qaadayaal ka socda adduunka oo dhan ay yimaadaan si ay uga qaybgalaan IDEX iyo dhacdooyinka NAVDEX.”
Waxa uu sheegay in bandhigan Navdex la filayo inuu noqdo kii ugu ballaadhnaa uguna caansanaa tan iyo markii ugu horaysay ee la soo bandhigo, iyadoo bandhigga difaaca ciidamada badda ee Navdex uu goob joog ka ahaa furitaanka tiro maraakiib dagaal ah oo loogu talagalay ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka Carabta oo ay ka qayb qaadanayaan 21 markab oo ka kala socda dalal kala duwan.
Sarkaalka oo ah Guddoomiyaha Guddiga Badaha, Sarreeye Guuto Rashid Ibrahim Rashid Al Muhaisni, ayaa intaa ku daray in ka qaybgalayaashu ay awood u yeelan doonaan innay soo bandhigaan qaybo kala duwan oo kala duwan si ay u soo bandhigaan awooddooda kaladuwan ee NAVDEX bandhiga tooska ah ee ADNEC ee marinka badda ee ADNEC, marka lagu daro Zayed Port, oo martigelisa maraakiibta waaweyn, sida NAVDEX 2025 ay markhaati u tahay isbeddel tayo leh oo ku saabsan tirada ka qaybgalka caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee tiknoolajiyada difaaca iyo amniga gaarka ah.
Ma u malaynay in saaxiibadaa xiisaynayaan mawduuca Warbixintan? la wadaag oo la sheergaree.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com