Trump ayaa hore Baallasha Uga Rifay Siyaasiyiin Iyo Saraakiil Ay Ku Jiraan, Madaxweynihii Joe Biden, Kamala Harris, Hillary ClintonJohn Bolton, Siyaasiyiin Xildhibaano Iyo Garsoorayaal
Washington (ANN)-Madaxweyne Trump ayaa si rasmi ah uga digay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Hussein Obama inuu ka fogaado siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ama wixii kale oo uu ku waajahayo oo lagu xadgudbay falalka iyo ficilada la xidhiidha.
Arrintan ayaa kusoo beegantay, iyadoo ay soo baxday Barack Hussein Obama uu qorshaynayay inuu booqdo El Salvador, isagoo doonaya inuu ka qaybgalo shirkii NATO ee Costa Rica, kaas oo Trump lagu casuumay, balse aan la filayn inuu ka qaybgalo.
“Ma haysto awood uu ku hadlo isagoo wakiil ka ah Maraykanka.”ayuu yidhi, Trump, isagoo ula jeeda Obama.
Waxa la saadaalinayaa in haddii Barack Hussein Obama uu leeyahay geesinimo ku filan oo uu ka qaybgalo shirkaa, taas oo uu wajihi doono marka qabashadiisa marka uu dalka dib ugu soo laabto. laakiin waxa shirkaa ka qaybgelaya qaar ka mid ah xubnaha sharcidejinta ee Xisbiga Dimuqraadiga.
Madaxweyne Trump ayaa hore u saxeexay tallaabooyin dhinaca sharciga ah oo si badheedh ah looggala noqonayo sharciyo dhanka amniga ah oo uu horay u siiyey musharaxiintii Dimoqraadiga kula tartamayay doorashada, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee ah Haweenayda doorashada kula tartantay ee Kamala Harris iyo Hillary Clinton, oo ah haweenay caan ah Afada Madaxweynihii hore ee Cilnton.
Sidoo kale tiro kale oo saraakiil hore iyo kuwo dhaliilsan Madaxweyne Trump ayaa sharciga kala noqoshada amniga saamayay, ama saamaynayaa, iyadoo siyaasiga caanka ah Amb. John Bolton Kaaliyihii hore ee Madaxweynaha Arrimaha Amniga Qaranka (NSA), kaas oo mudda dheer kusoo noq-noqday La taliyaha Amniga Qaranka, isla markaana ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga, xilkii ugu danbeeyay ee uu qaranka u qabtayna ahaa Ergayga Qaramada Midoobay u jooga Maraykanka xilligii hore ee Madaxweyne Trump, wallow uu xilkaa iska casilay ka hor intii aannu dhammaan mudda xileedkii hore ee Madaxweyne Trump.
Amb John Bolton Kaaliyihii hore ee Madaxweynaha Arrimaha Amniga Qaranka (NSA) ayaa dhalliilo baddan u jeediyay markii uu Madaxweyne Trump kusoo laabtay xukunka ee ku guulastay doorashadii kal hore ee November 2024. wuxuu dhowaan ka hadlay qorshaha Madaxweyne Trump ee ku waajahan Ukraine, isagoo waraysi uu xibiyay Amb. Bolton ku sheegay in Madaxweynaha Ruushka Putin uu og yahay in Trump, isagoo ugaadhsi ugu jiro sidii uu heshiis degdeg ah u dhex dhigi lahaa Ruushka iyo Ukrain si uu u helo abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize. “Kremlin-ka ayaa shaki la’aan u isticmaali doona tan faa’iidada gorgortanka iyo wadahadalka.” ayuu yidhi. wuxuuna tilmaamay in ay taasi ceeb iyo taariikh xun ku tahay Siyaasadda Maraykanka iyo taariikhda dunida ee Dawladda Maraykanka.
Madaxweyne Trump Oo Qaaday Tallaabooyin Aargoosi Amni Oo Saamaynaya Xasaannada Haweenaydii La Tartantay Iyo Siyaasiyiin Caan Ah.
Trump wuxuu sheegay bishii February inuu kala noqonayo ogolaanshaha amniga ee madaxweynihii isaga ka horreeyay Joe Biden. Amarka uu soo saaray ayaa xaqiijiyay go’aankaas, isaga oo intaa ku daray in uu sidoo kale kala noqonayo caddaynta amniga “xubin kasta oo kale” ee qoyska Biden ka tirsan.
“Waxaan go’aansaday in aannaydanta qaranka ku jirin in shaqsiyaadkan hoos ku qoran ay helaan macluumaadka sirta ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka Trump.
Kamala Harris, Hillary Clinton, Siyaasiyiin Xildhibaano Iyo Garsoorayaal Ayaa Go’aanka Cusub Ee Trump Saamaynayaa
Madaxwaynayaashii hore ee Maraykanka iyo saraakiisha ugu saraysa amaanka ayaa inta baddan si xushmad leh u ilaashanaya cadayntooda amni, taas oo sharigu hore u dammaanad qaaday. laakiin Madaxweyne Trump ayaa ku amray hoggaamiyayaasha waaxaha iyo wakaaladdaha in ay “kala noqdaan gelitaanka aan la ilaalinayn ee xarumaha dawladda Maraykanka ee sugidda ammaanka shakhsiyaadkan.” sida lagu sheegay qoraalka amarka sharcigan cusub.
“Tallaabadan waxa ka mid ah, balse aan ku koobnayn, helitaanka xog-waraysiyo sir ah, sida warbixin koobban oo maalinle ah oo Madaxweynaha, iyo in la helo xog sir ah oo uu hayo xubin kasta oo ka mid ah bulshada sirdoonku iyadoo loo eegayo shakhsiyaadka la magacaabay ee ay hore uga soo qabteen Shirweynaha,” ayaa lagu yidhi amarka.
Tirooyinka dhowr ah ee la magacaabay, ayaa lagu macneeyay kuwa yeelan doontaa saamayn astaan baddan leh oo dooddo ka abuurtay guddaha Maraykanka, waxaana laga yaabaa inay xaddiddo agabka ay awoodaan innay dib u eegaan, ama xaddidaan gelitaanka dhismayaasha dawladda qaarkood ama tasnsiilaadka sugan.
Shaqsiyaadkan, waxaa sidoo kale, ka mid ah Qareenada iyo dacwad-oogayaasha uu magacaabay Trump, waxaanalaga yaabaa innay wajahaan jidgooyo dhanka gelitaanka ama dib u eegista macluumaadka kiisaskooda ama macaamiishooda.
Tallaabooyinka kala noqoshada amniga ee Madaxweyne Trump waxay diiradda saaraysaa saraakiisha ugu sareysa maamulkii hore ee Madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Biden, iyo sidoo kale kuwa inta baddan dhaleecayn siyaasadeed kala hor yimi oo dhamamantood ah siyaasiyiin caan ah iyo qareeno ka hor yimi Trump ama xulafadiisa maxkamadda xilligii dacwaddaha lagu ooggayay.
Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Biden Antony Blinken, lataliyaha amniga qaranka Jake Sullivan, iyo ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud haweenayda lagu magcaabo Lisa Monaco ayaa dhamaantood lumiyay ogolaanshahooda amniga.
Lisa Monaco ayaa ahayd ku xigeenka 39-aad ee xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka 2021 ilaa 2025. iyo sidoo kale xubin ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga. waxayna haweenaydan hore u soo noqotay la taliyaha amniga gudaha xilligii Madaxweyne Barack Obama intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2017.
Trump ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday laba ka mid ah saraakiishiisii hore ee xilligiisii ugu horreeyay, kuwaas oo kala ah Fiona Hill iyo Alexander Vindman, waxayna labadoodu ahaayeen kuwo markhaatiga ku furay intii lagu guda jiray dacwadii ugu horreysay ee xil ka qaadista oo bilaabantay 2019.
Trump waxa kale oo uu laalay gelitaanka dadka caanka ah ee xisbiga Jamhuuriga, kuwaas oo kala ah siyaasiyiinta Wakiilkii hore ee Liz Cheney iyo Adam Kinzinger waxayna ahaayeen labada xildhibaan ee keliya ee Jamhuuriga ah ee ku biiray baadhitaanka Aqalka Maraykanka ee ku saabsan doorkii Trump ee weerarkii 6-dii Janaayo 2021 ee Congress-ka.
Labaduba waxay sidoo kale u coddeeyeen in Trump lagu soo ooggo xil ka qaadistiisii labaad, taas oo aqalka Congress-ka ee Dimuqraadigu hoggaaminayay ay kiciyeen rabshadihii dhacay. laakiin Trump ayaa aqalka senate-ka waxa uu ku waayay danbi ah iyo in uu kiciyay rabshadihii 6-dii January.
Trump ayaa sidoo kale go’aankiisii ugu dambeeyay ee ku saabsan gelitaanka ammaanka ku tilmaamay dadka ugu sarreeya dhanka sharciga. Amarka uu soo saaray ayaa laalay ogolaanshaha xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James, taasoo keentay dacwado baddan oo ka dhan ah Trump iyo ganacsigiisa.
Dacwadda khiyaanada madaniga ah ee la soo gebagebeeyey 2024-kii, garsoore ayaa ku helay Trump in uu ku kacayo boqollaal milyan oo doolar oo ganaax ah. Trump ayaa racfaan ka qaadanaya go’aanka. laakiin Qareenka degmada Manhattan Alvin Bragg, oo dacweeyay oo ku guulaystay dacwad ciqaabeedka Trump ee lacagta sannadkii hore, ayaa sidoo kale lumiyay caddayntiisa, isagoo kusoo baxay liiska amarka ee mamnuucaya innay helaan amni iyo weliba innay waayaan awooddo sharcigu u oggolaanayay.
Dhammaan tallaabooyinka Madaxweyne Trump ayaa ahaa kuwo aannu marnaba qarsanayn intii uu ku jiray kaanbaynka, isagoo si dhab ah u dhaqan geliyay go’aamo uu sheegay inuu qaadi doono marka uu kusoo laabto kursiga.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/