X

 Israel Oo Waraaqaha Aqoonisga Ka Guddoontay Safiirka Imaaraadka Carabta

Araweelo News Network.

#AmbAlKhaja Oo Dareenkiisa Ka Hadlay Booqashadiisa #Tel Aviv

Tel Aviv (ANN)-Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa markii u horaysay Safiir u diray dalka Israel, kaddib heshiiskii Abraham ee ay wada saxeexdeen labada dal sannadkii hore 2019.

Madaxweyne sharafeedka dalka Israel Reuven Rivlin, ayaa warqada aqoonsiga ka guddoomay Ambassador  Mohamed Al Khaja oo ah diblamaasiga ay UAE, u magcaabeen.

.Dareenkii uu ku Qoray Twitter

Ambassador Mohamed Al Khaja, ayaa qoraal uu ku qoray bartiisa Twitter ku xaqiijiyay in Israel ka guddoontay waraaqaha Aqoonsiga.

“Waxaan maanta u imid Tel Aviv annigoo ah Safiirkii ugu horeeyay ee Imaaraatka u fadhiya Israel,  waxaan la kulmay Gabi Ashkenazi, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Israel”.

Safiirka UAE, ayaa sheegay in ay ka wada hadaleen masuuliyiinta uu kula kulmay Te Aviv sidii kor loogu qaadi lahaa  xidhiidhka labada dal.

Wuxuu xusay in ay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyo kala duwan, wixii ka danbeeyay heshiiskii Abraham ee ay wada saxeexeen.

“Waxaan sharaf u yeeshay in aan waraaqahayga aqoonsiga u gudbiyo Mudane Reuven Rivlin, Madaxweynaha Israeli, anniga oo noqday Safiirkii ugu horreeyey ee Imaaraadka u fadhiya Israel.” ayuu yidhi, Amb AlKhaja Twitter.

Waxaan rajeynayaa inaan matalo dalkayga aan jeclahay oo aan ka shaqeeyo xoojinta iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, ayuu raaciyay.

Imaaraadku wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay ee oggolaada inuu xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa la yeesho dowladda Yuhuudda.

Sida uu dhigayo heshiiskii Abraham, kaasoo uu gadhwadeen ka ahaa madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ee xukunka laga tuuray.

AKHRI:  Dalalka Khaliijka Ee Sucuudiga Iyo Qadar Oo Trump Ugu Baaqay Heshiis Ka Hor Inta Aaan Xafiiska Laga Saarin

 

Heshiiska Abraham ee Maamulkii Trump

Jared Kushner, oo Madaxweyne Trump soddog u ahaa, wuxuu u magcaabay Bariga dhexe, waxaana mararka qaar lagu magacaabi jiray Madaxweynaha Bariga Dhexe.

Wxuuna bilihii la soo dhaafay saxeexay heshiis loogu magac daray Heshiiskii Abraham ee 13 August 2020, kaas oo caadi ka dhigaya xidhiidhka u dhexeeya Israel iyo dalalka Khlaiijka.

Jawaabta Dalalka Islaamka ee Heshiiskaa

UAE, ayaa markii u horraysay saxeexaday Abraham Agreement, waxaana ku biirtay Baxrayn iyo  Suudaan, laakiin dalal badan oo Islaam ah ayaa cambaareeyay.

Waxayna ku tilmaameen heshiiskaa mid xadgudub ku ah dhulka Falastiin iyo dhulka barakeysan ee Qudus, isla markaana lagu baabiinayo qadiyada dadka Falstiin.

AKHRI:  Somaliland Oo Taageertay Heshiiska Yuhuuda Iyo Imaaraadka

UAE, waa dalkii saddexaad ee dalalka Carabta ah ee cilaaqaad diblamasiyadeed oo rasmi ah la yeesha Israel, wixii ka danbeeyay heshiiskii nabadeed ee Egypt iyo Israel ee lagu saxeexay Washingtion, 26 March 1979.

Heshiiska oo u dhexeeya Egypt iyo Israel ayaa la saxeexay 16 bilood kaddib booqashadii lama filaanka ahayd ee Madaxweyne Anwar Sadat uu ku tegey Israel 1977,

Egypt, wuxuu ka dhigay heshiiskaasi dowladdii ugu horraysay ee Carbeed ee si rasmi ah u aqoonsata Israel.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post