Warbaahinta Hindiya Maxay Ka Tidhi Damaca Qorshayaasha Iyo Dhiirigelinta Caalamka Ee Aqoonsiga Somaliland

#Araweelo_News_Network

New Delhi (ANN)-Warbaahinta dalka hindiya ayaa si weyn u qaada dhigay xidhiidhka taariikheed ,dhaqan dhaqaale ee soo jireenka ahaa ee ka dhaxayeeyey hindiya iyo Somaliland .sidoo kale waxaa warbixinta lagu qaada dhigay ahmiyada istaraatajiyadeed ee somaliland iyo fursada dahabiga ah ee lagu baraarujiyo xukuumada iyo siyaasiyiinta hindiya oo loo soo bandhigay in ay ka faaidaystaan .warbixintan oo lagu baahiyay.

Wargeyska lagu magacaabo the real voice of india ama codka dhab ah ee hindiya oo u warama qaab wakaaladeed ayaa si balaadhan u falanqeeyey arrimaha isagoo kasakow arimahaa hogo tusaaleeyey faaidada hindiya ugu jirta in ay aqoonsato somaliland xiligan ,waxuuna tilmaamay oo uu sharaxaad dheer ka bixiyey danaha labada dhinac iyo taarikhiyan fursada siyaasadeed ee ay ka dibaaqi karto hindiya marka dib loo eego dhacdooyin mandaqada aasiya iyo geeska afrika .

warbixintan aan idiin soo minguuriney ee lagu falanqeeyey arimahan ayaa waxa lagaga waramay siyaada mandaqada ee xiligan ee dhinacyada geoploticalka ,duruufaha yaala marinka muhiimka ah ee kulaalayso Somaliland iyo carqalada ka jirta oo saamayn taban ku yeelatay ganacsiga aduunka iyo gaadiidka iska kala goosha dunida gaar ahaan marinka muhiimka ah ee babalmanadab oo isku xidha badacas ,kanaalka siways iyo badweynata hindiya iyadoo magaalo xeebeeda berbera oo kamid ah marsoooyinka ugu caalami san oo kulaalaya marinka ahmiyada wayn islamarkaana somaliland ku guulaysatay in ay aaga ku toosan ee koonfurta yamen ka soo eegaya marinka gacanka cadmeed ka dhigto mid amaana dhankeeda walow aanay helin taageeroo wayn oo dublamaasiyadeed iyo mid dhaqaale sidaa awgeed waxa warbixintu ku talinaysaa in siyaasiyiinta hindiya aanay beer darayn fursadaaa oo ay iskaashi la samaystaan somaliland kaasi oo noqonaya iskaashi milatari,mid amni.mid dhaqaale iyo mid ganacsi oo loo racaya xidhiidhka taarikhiga ah ee ka dhaxeeyey somaliland iyo hindiya qarniyo ka hor .

Qadiyadda somaliland bogcadda ay ku taalo ee geeska xiisaddaha ku hareeraysan ,dadaalka aqoonsi raadinta iyo kaalinta ay dekedda Berbera ku leedahaya juqurafi ahaan manadaqada

Wargeysa Codka Hindiya ayaa sidoo kale waxa uu warbixintiisa kusoo bandhigay raadadka xidhiidhka soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyey labada bulsho ee somaliland iyo Hindiya gumaystihii ka hor
waxaanu yidhi xidhiidhka soo ifbaxaya ee aan rasmiga ahayn ee u dhexeeya Hindiya iyo Somaliland waxa uu bixinayaa daraasad xiiso leh oo ku saabsan xidhiidhka caalamiga ah. Xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Hindiya iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland, xidhiidhka ganacsi ee somaliland hindiya waxa uu ka soo bilaabmay ka hor gumaystihii markii marinnada badda ay ka buuxeen ganacsato iyo xoogsato la soo dejiyey. laakiin Qurba-joogta Hindida oo laf-dhabarta u ah qaabaynta qaab-dhismeedka dhaqaale ee gobolladii ay degeen, ayaa iyaguna Somaliland ku reebay raadad aan la tirtiri karin.

Dhaxalka is-dhexgalkaasi waxa uu ku qotomaa ganacsigii qadiimiga ahaa ee ka dhex curtay qaarad-hoosaadka Hindiya iyo Geeska Afrika.”Ayaa lagu yidhi warbixintan lagu daabacay wargeyska codka hindiya

Ka dib qabsashadii  Roomaanku ee Boqortooyadii Nabataean iyo aasaaskii ciidamada badda ee Roomaanka ee Cadan si ay u xakameeyaan burcad-badeedda, ganacsatada Carabta iyo kuwa Bariga Afrika waxay la kaashadeen Roomaanka si ay maraakiibta Hindiya uga ganacsadaan magaalooyinka xorta ah ee jasiiradda Carabta. Taas oo loo sameeyay si loo ilaaliyo danaha Somaliland iyo ganacsatada Carbeed kaas abuuray ganacsiga faa’iidada badan leh ee u dhexeeyay gacanka cadmeed iyo badda Mediterranean-ka.
Xusuusnow Somalilandta uu wargeyska ka hadlayaa waa boqolaal sano ka hor isagoo ka sheekayna raadadkii somaliland iyo hindiya ee xiligaaa iyo ganacsigii layaabka lahaa ee ka jiray xeebaha somaliland ka hor gumaystihii .

Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku xusay in raadadka ganacsiga ka dhaxeeyey somaliland iyo hindiya xiligaa fog ay wali raadadkeeegi ka sii muuqdaan isagoo yidhi
raadadka ganacsatadii Hindidab ahaa ayaa weli ka sii muuqda magaalooyinka dekedda leh ee Geeska Afrika gaar ahaan somaliland ,
xeebaha somaliland kuwaas oo ka madax bannaan faragelintii Roomaanka. Qarniyo badan,
baayacmushtarka Hindiya waxay gobolka ka keeneen tiro badan oo qorfe ah oo laga soo waariday Ceylon iyo Jasiiradaha Spice.
Isha xawaashka,ayay hore Ruumaanka iyo Giriiggu u aaminsanaayeen in ay ahayd Geeska Afrika gaar ahaan xeebaha somaliland , balse arinta waxay ahayd sirta u qarsoon ganacsiga somaliland iyo ganacsatada Carabta

Wadashaqeyntaasi waxay sare u qaaday qiimaha qorfaha Hindiya iyo Shiinaha ee Waqooyiga Afrika, Bariga dhow iyo Yurub, waxayna ka dhigtay ganacsiga Beeyada xabka faleemka fooxaha qoriga laga sameeyo doonyaha haraga xoolaha ,baalka gorayga iyo agab kale muhiima mid faa’iido leh, kasakow ganacsatada hindiya iyo carabta soo jiita ganacsatada kale dunida
gaar ahaan ganacsatada Somaliland oo ganacsigood qaab xiligaasi ay uga rarayeeyn xeebahooda ay ahaayeen mid cajiiba iyo farsamooyin ay ku duugan tahay xadaarad iyagoo isticmaalayey gacmahood (Raris iyo rogista gaadiidka )ah.

Waxii ka dambeeyey markii labada dalba ee somaliland iyo hindiya ay xornimada ka qaateen boqortooyadii midowday ee Britain, Ganacsigaasi u xuubsiibtey xiriir dhaqaale oo aan rasmi ahayn haddana muhiim ah.

In kasta oo aan aqoonsi rasmi ah laga helin, badeecadaha Hindida — marka laga reebo dunta iyo dawooyinka oo xiligan casriga ah soo gala suuqyada Somaliland,

Hasayeeshee wargeyska waxa uu warbixintiisa ku xusay in arintani ay markhaatu u tahay awooda ganacsi iyo ahmiyada dhaqan dhaqaale ee somaliland iyo hindiya
walow uu maal-gashiga Hindiya si tartiib tartiib ah u dhexgalaan qaybaha sida isgaarsiinta iyo beeraha ee Somaliland.

marka laga yimaado dhacdooyinka xidhiidhka taarikhiga ah wargeysku waxa uu warbixintiisa si badheedha ugu muujiyey muhiimamada ay somaliland u leedahay in ay kamid noqota qaramada aduunka iyo doorka ay ka ciyaari karto gobolka iyo isku xidhka ganacsiga iyo dunida inkastoo oo uu xusay guullaha somaliland gaadhay tan iyo markii ay lasoo noqotay qarinimadeedii luntay 60kii iyo nidaamka dimuqraadiyada ee ay taaba galisay oo ka dhig somaliland mid lagu majeerto marka laga hadlayo geeska afriko iyo meel badan oo dunida ah walow aanay garowshiyo ka helin beesha caalamka.

waxa uu wargeysku hogo tusaaleeyey wargeysku in aqoonsigu aanu ahayn oo kaliya mid dabar ku noqonaya macaamilka siyaasdeed balse waxa uu wargeysku hoosta ka xariiqay in uu caqabad ku yahay la macaamilka dunida kale iyo maalgashiga shisheeyey

Dhinaca kale warbixinta ayaa lagu muujiyey doorka istaraatajiyadeed ee dekeda berbera taas oo sida lagu xusay loo aqoonsaday xiligan mid kamdi ah dakedaha ugu fiican caalamka ,taas oo ahmiyad wayn uleh gobolka quudisana gobolka manadaqada

sanadihii u dambeeyey Muhiimadda istiraatijiyadeed ee Dekedda Berbera ayaa si isa soo taraysa waxaana looga aqoonsaday masraxa caalamiga ah mid kamid ah marsooyinka ugu wanaagsan dunida oo walibana ahmiyad weyn ugu fadhida isku xidhka dunid a, .

Maanta, aqoonsiga Somaliland waxa ay ka caawin kartaa Hindiya in ay hesho saaxiib la isku halayn karo oo ku yaala gobolka istiraatiiji ah oo ay ka buuxaan fursado dhaqaale. Talaabadan noocan oo kale ah kaliya ma kordhinayso saamaynta India ee Geeska Afrika
balse iskaashiga hindiya iyo somaliland waxa uu sidoo kale la jaanqaadaya yoolalka istaraatiijiyadeed si ay wada jir uga hortagaan danaha Shiinaha iyo Pakistan ee gobolka.

Mustaqbalka xidhiidhka Hindiya iyo Somaliland, haddii Somaliland ictiraaf rasmi ah ay hesho , waxa uu leeyahay ballan-qaad weyn. Suurtagalnimada in laga sameeyo saldhigga ciidamada badda Hindiya ee Berbera .
warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay ahmiyada istaraatajiyadee dawlada hindiya in ay ka hesho dhinaca somaliland saldhig milatari oo faaido wayn uleh hindiya iyo dunida kale kaas oo suuro galinaya iskaashiga somaliland iyo hindiya ee amniga gaar ahaansugidda khadadka isgaarsiinta badda ee muhiimka ah iyo kor u qaadista amniga badda.
Marka laga soo yimaado nabadgelyada,

sidoo kale iskaashigani somaliland iyo hindiya waxa uu horseed u noqon karaa horumarka gobolka, iyada oo India ay kaalin mug leh ka qaadanayso mashaariicda kaabayaasha, tignoolajiyada iyo tamarta ee Somaliland.

Ka-qaybgalka noocan oo kale ah kaliya kuma koobna doorka India ee doorka muhiimka ah ee geopolitics Afrika laakiin sidoo kale waxay kor u qaadaysaa barwaaqada labada dhinac.
Hindiya Oo Aqoonsiga Somaliland Fursad Ka Dhex Aragtay

Xidhiidhka u dhexeeya Hindiya iyo Somaliland, oo ku qotoma taariikh gumaysi oo wadaaga, kuna kobcaya is-dhexgalka dhaqaale iyo istiraatijiyadeed ee wakhtigan, waxa uu taagan yahay mid abuuraya kor ukac .
wargeysku waxa uu ku taliyey isagoo ka duulaya arimahaa in laga mamaarman tahay fursada muhiimka ah ee loo bahan yahay in ay hindiya oo ka faaidaysanaysa dhamaan waxyaabaha aynu ka hadlaynay
Hindiya ay barbar istaagto qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, waxayna hindiya wali haysataa fursad wayn oo ay ku muujiso mawqifkeeda iyadoo ciyaaraysa doorkeeda gobolka taasina waa mid albaabada u furaysa xasilloonida gobolka iyo barwaaqada mustaqbalka dhow ee labada dal ee india iyo somaliland
laakin taa macneheedu maaha Taageerada Somaliland, Hindiya kaliya ma hagaajinayso kormeerka taariikhiga ah balse waxay sidoo kale istiraatijiyad ahaan iska dhigi doontaa hoggaamiye gobol u taagan
marinada isbeddellada juqraafiyeed ee muhiimka ah. Is-waafajintan qotoda dheer ee taariikhiga ah ee suurtogalka ah ee u dhexeeya Hindiya iyo Somaliland, oo lagu muujiyey qarniyo badan oo ganacsi badda ah iyo xidhiidhka dhaqaale ee casriga ah,waxaanu abuuraya sheeko ku saabsan iskaashiga iyo isku-tiirsanaanta oo dib u qaabayn karta muuqaalka juqraafiyeed ee Badweynta Hindiya iyo waxii ka baxsan.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com