Los angeles (ANN0-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee xukunka wareejinaya 20 Jan ayaa Arbacadii ansixiyay xaalad deg deg oo gebi ahaan dalka Maraykanka ah, taas oo heer Federaal ah.

Arrintan ayaa timk kaddib markii loo caalwaayay dabka ka socda California oo bilaabmay Salaasadii, kaas oo sii fidaya, wallow ay jiraan dedaalo lagu xakamaynayo oo weli socda iyo gurmad aan kala joogsi lahayn.

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka 1,000 gurina ay ku basbeeleen dabka oo ahaa mid xoog baddan oo tan iyo Salaasadi ka socda hareeraha magaalada Los Angeles ee dalkan Maraykanka.

Sida ay baahisay warbaahinta Maaykanka Guryo iyo goobo ganacsi ayaa gubtay, iyadoo dadka deegaanka oo ay ku jireen dad caan ka ah Maraykanka ay ka carareen xaafado lagu tilmaamo kuwa ugu qaalisan gobolka California.

 

California ayaa ah Gobolka Galbeedka ee Maraykanka oo ku taal Xeebta Badweynta Baasifigga, waxayna xuduud la leedahay Oregon dhanka waqooyi, Nevada iyo Arizona dhanka bari ka xigta, sidoo kale, waxay xuduud caalami ah la wadaagtaa gobolka Mexico ee dhanka koonfureed ee Baja California.

Sidoo kale, California waa Gobolka ugu dadka baddan Maraykanka, waxaana uu caan ku yahay wax-sarrka dhanka Tighnoolajiyada iyo Sanaacada, waana sababta loogu yeedho Golden Regioan Dahabiga ah (Golden State) waxa uu sidoo kale ka mid yahay kuwa ugu qanisan dalka Maraykanka uguna saamaynta badan bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba. sidaa awgeed wuxuu door weyn ka ciyaaraa wax-saa-sarka Maraykanka ee dhaqaalllaha, balse waxa inta baddan ka dhaca dabaylo wata duufaano iyo kuwo isu beddela dab, kuwaas oo kasoo kaca dhanka Badweynta Baasifigga, iyadoo Gobolku leeyahay kaymaha “Redwood” ee qadiimiga ah.

Dabka ayaa inta  badan wuxuu xooggiisu billaabmay Salaasadi, balse waxa  sii huriyay dabaylaha loo yaqaan “Santa Ana”, oo la sheegay in ay ku socdeen xawaare dhan 112 km saacaddiiba, kuwaas oo sii socday ilaa Arbacadi shalay, waxana diyaaraddaha dab damiska qaar ay ku qasbeen innnay awoodi waayaan duulimaadka joogga hoose  si ay biyaha ugu baqtiiyaan oo u gaadhsiiyaan rushaynta iyaga oo ka baqayay halista dabka.

Dhinaca kale, Waaxda Dab-damiska Los Angeles ayaa sheegtay in loo diyaariyay la tacaalista masiibadan ugu badnaan laba dab oo socday, sidaa awgeed aannay awoodin Afar dab oo waaweyn oo ka socda afar meelood oo ah hareeraha magaalada, kuwaas oo gubay in ka baddan 2,000 oo hektar walina kusii fidaya meelo kale.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo saaray Amarka deg degga ah ee u ogolaanaya dowladda Federaalka in ay lacag iyo agab deg deg ah geyso halka uu dabka ka socdo. laakiin wuxuu ku dayriyay in xaaladda si deg deg ah looga soo kaban karo, isagoo xusay innay waqti qaadan karto.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com