X

Dagaalka Israel Iyo Xamaas Oo Dib U Bilaabmay

Qaza muuqaalka Sawirakan ayaa muujinaya sida Yuhuudu u godoomisay Qaza Cirka Dhulka iyo Badda ee Israel ku hayso, Image Araweelo News Network. Captured by Satellite. 15, Oct, 2023.

#Araweelo_News_Network.

Tel Aviv (ANN)- Ciidanka Israa’iil ayaa billaabay duullaan ballaadhan oo ay ku qaadeen Daanta Galbeed ee la heysto ee dhulka Falastiiniyiinta, gaar ahaan magaalada Jennin.

Wararka ka imanaya daanta galbeed ee warbaahinta waxa lagu soo waramaayaa in lagu dilay ugu yaraan 9 Falastiiniyiin ah 40 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo uu socday heshiiska sida weyn maxaabiista loogula kala wareegay.

Sida uu kusoo waramayo Telefishinka Al Jazeera waxa xilligan ka socda Daanta Galbeed ee xeryaha Jennin dagaal toos ah oo u dhaxeeya iska caabinta iyo ciidanka Israel.

Wareysi uu siiyay Aljazeera, hoggaamiyaha Xamaas ee Daanta Galbeed ee la haysto, Zaher Jabarin, ayaa dhankiisa sheegay in kooxdu ay Daanta Galbeed ku jabin doonaan Netanyahu sidii ay hore ugaga adkaadeen marinka Qasa dagaalka socday 15-ka bilood.

Wuxuu sheegay Netanyahu inuu dhinac walba dagaal kaga furayo, isagoo ku sababeeyay innay la xidhiidho sidii uu usii joogi lahaa kursiga , “ Shacabka Falastiin ayaa ku midoobay Qaza, waxaana ay awoodeen innay jebiyaan rabitaanka Israel” ayuu Hoggaamiyaha Xamaas oo intaa ku daray in dadka reer Falastiin leeyihiin rabitaan adag oo ay iskaga caabiyaan oo ay wax u huraan, iyagoo aan haysan dariiq kale oo aan  ahayn inay dagaallamaan.

“Midnimada falastiiniyiinta waa dhagaxa ay ku burburi doonto gumaysiga Israel, Falastiiniyiintu way iska caabinayaan qabsashada xitaa haddii waxa inoo hadhay ay yihiin dhagaxa oo keliya.” ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xamaas.

Dhinaca kale, Taliyihii guud ee ciidanka Israel iyo saraakiil sare ayaa is casilay, kaddib fashilka ay ciidanka Israel  kala kulmeen dagaalka Qaza,
Heshiiska Iyo Xabbad Joojinta

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post