X

Yurub Waxaa Kusoo Waahan Jiilaalka, Vladimir Putin Ayaa Sugayay Xilliga, Ruushku Muxuu Samaynayaa?

Madaxweyneha Ruushka Vladimir Putin oo ka degey Tehran, 19 July 2022, Image Araweelo News Network.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in 30% xarumaha Korontada ee Ukraine la burburiyay.
Araweelo News Network
Kyiv(ANN)-Xaaladda dalka Ukraine, ayaa sii adkaanay, iyadoo dagaalku marayo siddeed bilood, waxayna weli Ruushku wadaan duqaymaha magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo la xoojiyay kaddib qaraxii Buundada Crimea.

Maamulka Ukraine ayaa sheegay in ay soo rogi doonnaan xannibaado xilliga isticmaalka korontada laga bilaabo Khamiista, taas oo ka dhalatay sii socoshada weerarada Ruushka ee dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay oo curyaamiyay kaabayaasha tamarta.

Saraakiisha, ayaa sheegay in Korontada la xadidi doonaa inta u dhaxaysa 7 subaxnimo iyo 11 galabnimo.

“Maanta cadowgu wuxuu mar kale burburiyay tas-hiilaadka tamarta, waxaa lagama maarmaan ah in la yareeyo isticmaalka korontada,” sidaana waxa shaaciyay hawlwadeen ka tirsan sarakiisha Tamarta ee Ukraine.

Kyrylo Tymoshenko, oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska Tamarta ee Ukrenergo, ayaa yidhi, “Qof walba waa inuu diyaar u yahay, marka hore, si uu u badbaadiyo Korontada, iyo marka labaad, korontadu waa go’aan sidoo kale waa suurtogal haddii ay weeraradu sii socdaan in la waayo.”

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Salaasadii sheegay in 30% xarumaha Korontada ee Ukraine la burburiyay.

Ulraine, ayaa la kulmaysa xaddidaadaha korantada lagu dhawaaqay Khamiista, taas oo wer-werkeeda leh, maadaama xilliga jiilaalka ee Yurub cabsida weyn ka qabto kusoo hayo fooda.

“Kama saarno taas marka ay bilawdo cimilada qabow, waxaan ku weydiin doonnaa caawintaada xitaa marar baddan.” Kyrylo Tymoshenko.

Arrimahan ayaa dhacaya, iyadoo Arbacadii Toddobaadkii hore, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku dhawaaqay in afarta gobol ee Ukraine ay kala wareegtay Moscow lagu soo rogay xukun Millateri.

Dhinaca kale, Xilliga Jiilaalka ee qabawga ayaa fooda kusoo haya dalalka Yurub, iyadoo Madaxweyne Putin la sugayay xilligaa inuu wixii awooddiisa ah kala ayaansado Yurub si uu uga dhigo jiilaalka nollosha Yurub mid aad u adag.
Toddobaadyadan oo Ruushku kordhiyay duqaymaha ku waajahan Ukraine, waxay Ciidamada Ruushku duqaynayaan kaabayaasha addeegyada aasaasiga ah ee Ukraine, oo ay ku jiraan sahayda biyaha, saldhigyada korontada iyo dhismayaasha la deggan yahay , waxaana mararka qaarkood duqaymaha loo isticmaalayaa diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ee lagu sameeyay Iran oo lagu magcaabo Kamikaze.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post