X
    Categories: Warar

Yoonis Cali Nuur Suxufi Ruug-caddaa Ahaa Oo Geeriyooday, Madaxtooyadda Somaliland Iyo Xisbiga Mucaaradka Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network

Marxuum Yoonis Cali Nuur

London(ANN)-Allah ha u naxariistee waxa Dalka Britain ee cariga Ingiriiska ku geeriyooday Marxuum Yoonis Cali Nuur oo ahaa Suxufi Ruug-caddaa ahaa oo si weyn magaciisa loo yaqaanay geyiga Soomaalida.

Marxuum Yoonis Cali Nuur, wuxuu muddo dheer ka shaqaynayay Idaacada BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga, sidoo kale, wuxuu kasoo shaqeeyay xiligii dawladdii Soomaaliya Idaacadii Radio Muqdisho, wuxuuna ahaa Suxufi aqoontiisa iyo khibradiisa uga faa’ideeyay boqolaal suxufiyiinta Soomaalida.

Geerida Suxuifiga Marxuum Yoonis Cali Nuur, waxa ka hadlay geeridiisa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.

Qoraal saxaafadeedka xanbaarsanaa dhanbaalka tacsida ah ee kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Weriye Yoonis Cali nuur oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 20/07/2018, dalka Ingiriiska.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suxufi rug-caddaa ah oo ka baxay bahda sxaafadda Somaliland iyo guud ahaan inta ku hadasha afka-Soomaaliga, isagoo marxuumku ahaa muddo dheer suxufi u adeega bulshadiisa, una ahaa tusaale ku dayasho mudan kana tegay taariikh ma guuraan ah.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”ayaa lagu yidhi, dhanbaalka tacsida ah oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa dhanbaal tacsi ah oo uu kaga hadlay geerida Marxuum Yoonis Cali Nuur, wuxuuna dhanbaalka tacsida ah ku yidhi, “Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada ,guddida fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka iyo weli ba tageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu dirayaa shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Wariyahii weynaa ee mudada dheer ka soo shaqeynaayey Idaacadda BBC da Wariye/Marxuum Yoonis Cali Nuur oo maanta 20/07/2018 ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Guddoomiye Cirro wuxu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelki, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku tilmaamay in uu shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na uu ka mid ah wariyeyaasha caanka ka ah geyiga Soomaalidu degto.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro). waxa uu ugu dambeyntii uu Alle uga baryayaa Marxuumka uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii Jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu samir iyo iiman ka siiyo. Aamiin Aamiin

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post