X
    Categories: Warar

Yemen: Shiicada Oo Qabsatay Magaalada Sadexaad Ee Istiraatiijiga Ah Digniin Qaramada Midoobay Kasoo saartay Iy Mudaharaadyo Khasaare Dhaliyay

Wararkii U Danbeeyay ee Yemen Oo Dagaal Sokeeye Kisii Siqay
Taiz(ANN)Malayshiyada shiicada ee Xuutiyiinta, ayaa gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta magaalada Istiraatiijiga ah ee Tai zoo qiyaastii 390km kaga beegan dhinaca Koonfurta Sanca.
Malayshiyada Xuutiyiinta, ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegay madaarka caalamiga ah ee magaalada Taiz, sidoo kale waxay la wareegeen xarunta Sirdoonka ee ku taal magaalada iyo goobo kale oo muhiim ah, isla markaana waxay magaalada ka sameeyeen goobo gaadiidka lagu baadhayo si loo hakiyo isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa magaalada.
Boqolaal qof oo ka cadhaysan qabsashada xuutiyiinta, ayaa isugu soo baxay shaaracyada wadooyinka Taiz, balse malayshiyada xuutiyiinta ayaa tacshiirado rasaas ah ku kala eryay, waxaana tacshiiradahaasi sababeen ugu yaraan dhimashada hal qof iyo 82 dhaawacyo kala duwan soo gaadheen.
Ergayga Qaramada midoobay ee Yemen, ayaa ka digay in dagaal sokeeye ka qarxaan halkaa, iyadoo golaha amaanku shalay kasoo saaray qaraar arrinta sii xumaanay ee dalka Yemen oo u muuqata mid marba marka danbaysa faraha kasii baxay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post