Bariga Dhexe

#Araweelo_News_Network

Yemen Sana’a (ANN)-Xuutiyiinta Yemen iyo xullufadda kooxda iska caabinta ee dalka Ciraaq, ayaa si wada jir ah weerar ugu qaaday gudaha dalka Israel.

Yahya Sarea, oo ah afhayeenka millateriga xuutiyiinta, ayaa soo saaray bayaan, uu ku xaqiinayo weerarka intii lagu guda jiray isu soo bax lagu taageerayo Falastiin oo ka dhacay Caasimada dalka Yemen ee Sana”a.

Sida uu sheegay Yahya Sarea Weerarka ayaa ahaa mid ay ku bartilmaameedsadeen magaalada Haifa oo ay ku taal Dekedda ugu weyn Israel.

Afhayeenka Xuutiyiinta bdalka Yemen ayaa sheegay Salaasadii shalay inay iyaga oo ay weheliyaan kooxda iska caabinta ee ka jirta dalka Ciraaq ay qaadeen hawgal millateri oo wadajir ah, kaas oo ay ku qaadeen bartilmaameed muhiim ah oo ku yaalla magaalada Haifa ee dalka Israel.

Howlgalka militariga ayuu sheegay in  lagu qaaday “tiro gantaallo ah oo baalal leh,” afhayeenka Millateriga ee Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa laga baahiyay hadalkiisa Talefishinka  Yemen.

Balse ma sheegin bartilmaameedka la weeraray iyo khasaaraha ka dhashay, waxaase xusid muddan in sidan oo kale ay Iska Caabinta Ciraaq iyo Xuutiyiintu weeraro wada jir ah iyo kuwa mid walba gaarkeeda u fulisay ay ugu qaadeen guddaha dalka Israel.

Weeraro sidan oo kale ah ayay labada kooxood maalmihii lasoo dhaafay ku qaadeen magaalada Haifa oo ay ku taal gudaha Israel, taas oo ah Dekedda ugu weyn Israel ee kusii jeeda Badda Mediterranean sea.

Xuutiyiinta ayaa maalmihii u danbeeyay kordhiyay weerarada Maraakiibta Badda Cas iyo Gacanka cadmeed, waxayna gubeen dhawr markab, iyagoo sidoo kale Shaaciyay habjabaad ay ku sheegeen in gantaalo cusub u adeegsanayaan weerarada.

Hawlgalka cusub ee aaxay ku sheegeen  innay ku xoojinayaan weerarada ay ku qaadeen markabka “Pacific 01” ee ku sugnaa Badda cas, kaas oo loo adeegsaday gantaalaha casriga ah.

Dhinaca kale. Kooxda Xuutiyiinta ayaa tan iyo bishii November  2023, waxa ay diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallaha ku garaacayeen marinnada maraakiibta, iyagoo ku sheegaya innay garab taagan yihiin Falastiiniyiinta ku sugan Qaza ee Israel ku wado xasuuqa iyo go”odoominta shacabka Falastiin.

Xuutiyiinta ayaa ka mid ah tibaneeyo kooxood oo xulafa la ah Iran, waxayna markii ugu horaysay bilaabeen diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ay ku weerareen maraakiibta isaga goosha Caalamka, taas oo dhibaato weyn ku keentay Maraakiibta ganacsiga, islamarkaana saamaysay dhaqaalaha aduunka.

Dhowr iyo Lixdan Markab ayay ku qaadeen weeraro, iyagoo qaarkod gubay, kuwa kalena  dejiyay, iyagoo qabsaday laba markab,  isla markaana ay dileen ugu yaraan saddex badmaaxiin ah.

Laxidhiidha: Sawiro Laga Qaaday Markabka Nukliyeerka Ee USS Dwight D. Eisenhower Ee Xuutiyiintu Gantaalaha La Beegsadeen

Weerarada Xuutiyiinta ayaa sidoo kale lala beegsaday Maraakiibta dagaalka ee reer galbeedka, iyagoo Xuutiyiintu sheegeen innay khasaare gaadhsiiyeen Markabka Nukliyeerka ku shaqeeya, kaas oo ah Markabka labaad ee ugu da’ada weyn Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka oo lagu magcaabo, USS Dwight D. Eisenhowe, kaas oo Iskaga cararay Biyaha Badda Cas.

Laxidhiidha; Markabka Xuutiyiintu Garaaceen Ee Xanbaara Diyaarayaddaha Iyo Nukliyeerka USS Dwight D. Eisenhower Xaggee Ku Danbeeyay

Sidoo Maraakiibta Reer galbeedka oo Faransiisku ugu horeeyo ayaa ka cararay Biyaha Badda Cas iyo Gacanka cadmeed, kaddib markii Taliyaha Markabka Jerome Henry. sheegay in ay u adhaysan waayeen weerarada Xuutiyiinta oo aan kala joogsi lahayn

Laxidhiidha: Markabka Dagaalka Ee Faransiiska Oo Ka Cararay Biyaha Badda Cas

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com