X

Xuutiyiinta Oo Weeraray Maraakiib Xamuul Ah Iyo Kuwa Wax Burburiya Ee Maraykanka Oo Ku Hubaysan Gantaalo

Helicopter-ka militariga ee Xuuthiyiinta ayaa dul heehaabaysa markabka xamuulka ah ee hogaamiyaha Galaxy ee jooga Badda Cas sawirkan oo la sii daayay Noofambar 20, 2023. (Sawirka sawirka: Warbaahinta Militariga Xuuthiyiinta

Xuutiyiinta Oo Beegsiga Maraakiibta Ee weerarradoodu Gaadheen Badda Mediterranean.

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

ku akhri 2min

#Araweelo_News_Network.

Yemen, Sana’a (ANN)-Taliska Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay innay si guul ah u burburiyeen mid ka mid ah nidaamka hawada sare ee aan duuliyaha lahayn (UAS) oo dul marayay Badda Cas, taasoo laga soo riday dhulka Xuutiyiinta ee Yemen.

Dagaalyahanka Xuutiyiinta ee maamula inta baddan dalka Yemen oo dawlad dibad-joog ah loo dhisay, ayaa taageero ka hela Xukuumadda Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, waxayna kooxdu weerarro aan kala joogsi lahayn ku hayaan Maraakiibta Badda Cas, Gacanka cadmeed iyo weliba Badweynta India iyo xataa

“Waxaa la go’aamiyay in UAS ay soo bandhigtay khatar ku wajahan maraakiibta ganacsiga ee gobolka,” CENTCOM ayaa sharraxday.
Horaantii, Xuutiyiintu waxay sheegeen Isniintii inay weerar ku qaadeen saddex markab oo ku sugan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, iyo laba ka mid ah maraakiibta wax burburisa ee Maraykanka ee ku sugan Badda Cas iyo weliba Badda Mediterranean.

Weerarada ay ku hayaan Maraakiibta ayay ku tilmaameen innay yihiin kuwo ay Falastiiniyiintu ku garab taagan yihiin, iyagoo ka jawaabaya dagaalka Israa’iil ee Qaza, kaas oo Israel ku geysatay xasuuq iyo go’doomin, isla markaana sababay bur-bur iyo duqayn aan loo meel deyin.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in maraakiibta ay weerarreen kala yihiin Vessel LARGO DESERT iyo MSC Mechela oo marayay Badweynta Hindiya iyo Minerva Lisa oo marayay Badda Cas. laakiin lama xusin halka ay ku sugnaayeen Maraakiibta Maraykanka ee wax bur-buriya. .

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadaha maraakiibta iyo ciidamada Maraykanka oo la xidhiidha weeraro ka dhacay deegaanadaas.

Dhinaca kale, Afhayeenka ciidamada Xuuthiyiinta Yahya Saree, ayaan ka hadlin xilliga ay weeraradaasi dhaceen, sida ay sheegtay The Jerusalem Post, Balse khudbad uu ka jeediyay Talefishinka ayaa lagu sheegay in Xuutiyiintu ku garaacday Gantaalo maraakiibta iyo diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.

Xuutiyiinta, ayaa Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ku garaacay gobolka, waxayna tan iyo bishii November weeraro isdaba joog ah ku qaaday diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ee gobolka Badda Cas, iyagoo markii dambe isku fidiyay Badweynta Hindiya. Waxay sheegtay inay weerari doonto maraakiib kasta oo u shiraacda dekedaha Israa’iil iyo xullufadda Maraykanka, waxayna xitaa weerarradoodu gaadheen Badda Mediterranean.

Weerarrada ayaa ku qasbay maraakiibta in ay dib u jiheeyaan shixnaddaha safarka dheer iyo kuwa qaaliga ah ee Koonfurta Afrika, waxayna arrintan kicisay cabsida laga qabo in dagaalka Israel iyo Xamaas uu sii fido oo uu xasilooni daro ku keeno Bariga Dhexe, iyadoo uu durba saameeyay isu socodka ganacsiga aduunka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post