X

Xuutiyiinta Oo Diyaarad Kasoo Riday Xulufada Magaalooyinka Sucuudigana Garaacay Iyo Madaxweynihii Hore Cali Cabdalla Oo Hanjabaad Kaga Jawaabay Duqayn Gurigiisa Lagu Bur-buriyay

The residence of Yemen’s former President Ali Abdullah Saleh is seen after it was hit by air strikes [REUTERS/Mohamed al-Sayaghi]

Sanca(ANN)Dalalka Xulufada Sucuudiga ee duqaynta dhinaca Cirka ah ku waday dhawrka Todobaad Xuutiyiinta dalka Yemen, ayaa qirtay inay waayeen Diyaarad ka mid ahayd 6 Diyaaradood oo kuwa duqaynta dhinaca Cirka ah ka waday Yemen oo Dalka Marocco kaga qayb qaatay dagaalka.

Diyaarada oo nooceedu ahaa F-16, ayaa la waayay sida lagu sheegay qoraal kooban oo Moroccan Royal Armed Forces soo saaray has said in a statement, waxayna sheegeen in la raadinayo diyaarada iyo Duuliyihii waday, balse malaydhiyada Xuutiyiinta, ayaa sheegay inay dhulka soo dhigeen diyaaradaa.

Dhinaca kale Xuutiyiinta, ayaa duqayn Madaafiic ah ku garaacay magaalooyinka dhinaca Koonfureed ee dalka Sucuudiga Najran Jizan iyo meelo kale Isniintii. Kadib markii Diyaaradaha Xulufada Sucuudigu duqeeyeen Woqooyiga Sanca, gaar ahaan deegaamada Saydiyiinta Xuutiga ee Saada iyo Hajjah, iyadoo la bar tilmaameedsaday xaafadaha iyo dhismayaasha Hoggaamiyayaasha Xuutiyiinta, waxayna Xuutigu ku rideen gudaha dalka Sucuudiga ilaa 150 madfac oo ay kaga jawaabeen duqaynta.

Afhayeen u hadlay difaaca Rayidka Sucuudiga, ayaa sheegay in weerarka Xuutiyiinta ee Magaalooyinka Jizan iyo Najran ee Isniintii lagu dilay dad shacab ah iyo Ciidan Sucuudiyan ah, isagoo xusay in madaafiicda qaarkood guryaha shacabka iyo goobaha dugsiyada caruurta lala beegsaday, balse ma sheegin tirada dhimashada iyo khasaaraha dhabta ah.
Qaramada Midoobay, ayaa ku celisay xabad joojin deg deg ah, taas oo daba socota Xabad joojin deg deg ah oo Maraykanku ku baaqay, balse laba dhinac ka caga jiideen, waxayna dagaalyahiniinta Xuutiyiintu saacadihii u danbeeyay aqbaleen xabad joojinta, iyadoo la doonayo in gargaar deg deg ah la gaadhsiiyo kumanaan qof oo dagaalka Yemen saamayn xun ku yeeshay, iyadoo adeegyada caafimaadka, Biyaha iyo Cuntadu dhamaadeen horaantii bishan, isla markaana xaaladu kasii daray.

Diyaaradaha Xulufada Sucuudiga, ayaa markii u horeeyay duqayn dhinaca Cirka ah ku bur-buriyay mid ka mid ah Guryaha Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax, waxaana markaa ka dib warbaahinta kasoo baxay Muuqaalka Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax oo aad u cadhaysan, wuxuuna isagoo dhismaha burburay dul taagan ku hanjabay in duqaynta cirka iyo diyaarado aan lagu gaadhayn goolka wuxuu ugu yeedhay xulufadu doonayaan, balse waxa uu sheegay in duqaynta lala beegsaday gurigiisa iyo diyaaradaha lagu garaacayo shacbiga Yemen ay yihiin weeraro fulaynimo, “ujeedada iyo hadafka goolkiina maaha inaa ku gaadhaysan diyaarad jet ah, geesiyaalna laguma noqonayo, waa in goobaha dagaalka laysugu yimaado haddii aad wax haysaan” ayuu yidhi, isagoo fariin u dirayay xulufada Sucuudiga.

Madaxweynihii hore oo xulufo la ah Xuutiyiinta, ayaa ka maqnaa guriga la duqeeyay oo ka mid ah gurihiisa Sanca, balse wuxuu aad uga cadhooday weerarka xulufada Sucuudiga.

Toddobaadkii hore ayay Mareykanka iyo Sucuudiga ku dhawaaqeen qorshe lagu doonayo in xabbad-joojin looga gaadho colaada ka jirta dalka Yemen oo ay ku dhinteen dad badan 1,400, iyadoo in ka baddan 6,000 ku dhaawacmeen, isla markaana kumanaan qof dagaalku sababay inay guryooda ka qaxaan, halka malaayiin kale oo ku sugan magaalooyinka Sanca, Taiz, Cadan, Marib iyo meelo kale ay ku go’doonsan yihiin magaalooyinkaa oo duqaynta cirka ee xulufada iyo dagaalka gudaha ka socdaa halis ku hayaan noloshooda, waxaana si weyn uga qaylinaya xaalada nolosha aadaminimo ee Yemen hay’addaha gargaarka oo sheegaya in aanay jirin meel gargaar loo mariyo dadka shacabka ee dagaalka gudaha iyo duqaynta xulufada Sucuudigu hafiyeen.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post