X
    Categories: Warar

Xuutiyiinta Dalka Yemen Oo Gantaal Khasaare Dhaliyay La Beegsaday Madaar Sucuudiga Ku Yaal

Saudi a, Abha(ANN)- Xuutiyiinta dalka Yemen ee la dagaalama xulufada Sucuudiga, ayaa Gantaal la beegsaday garoonka caalamiga ah ee Abha (Abha International Airport ) oo dhinaca Koonfur galbeed dalka Sucuudiga ku taal.

Gantaalka oo qabsaday maanta Madaarkaa oo ah saxmad ah, ayaa sababay inay dhaawacyo soo gaadhaan 26 qof oo rayid ah, sida uu sheegay Afhayeenka isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen, Turki al-Malki.

Sideed ka mid ah dadka ku dhaawacmay garoonka diyaaradaha Abha, ayaa la dhigay loola cararay Cisbitaalka, iyadoo 18-ka kale laga saaray Cisbitaalka kadib markii ay heleen gargaarka deg degga, sida lagu sheegay war ay faafisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Dadka dhaawaca ah, ayaa la sheegay inay ku jiraan  saddex dumar ah oo mid ka mid ah ay u dhalatay dalka India iyo laba caruur ah oo Sacuudiyaan ah.

Duqaynta ay Xuutiyiintu la beegsadeen Garoonka, ayaa sababay in duulimaadyada garoonka Abha uu dhowr saacadod hakad galo, balse mar danbe ayaa dib loo bilaabay duulimaadyada iyo adeega garoonkaa  oo ku yaal magaalada Abha oo dhacda Koonfur galbeed ee dalkaa, isla markaana ah caasimada gobolka Asir ee buuraleyda dhaadheer ee mara halkaa, iyadoo Abha ku taal buuraha dushooda, isla markaana ah magaalo qabaw oo  ay dadka Sucuudigu usoo guuraan, amma ay ku nastaan xilliyada xaggaaga ee ay ka soo cararayaan kulayka magaalooyinka waaweyn ee Jeddah iyo Riyadh.

Gantaalka haleelay madaarka Abha, ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii  Ciidamada difaaca hawada Sacuudiga ay shalay sheegeen inay dhexda ka qabteen laba diyaaradood  oo nooca looyaqaan Drone, kuwaas  oo ay  kusoo weerareen Xuutiyiinta dalka Yemen, isla markaana doonayeen inay ku duqeeyaan goobo cayim.

Xuutiyiinta, ayaa tan iyo markii uu bilaabmay dagalka Xulufada Sucuudiga ee Yemen sannado ka hor, waxay marar baddan weeraro duqaymo loo adeegsaday Drone iyo gantaalo la beegsadeen dalka Sucuudiga, iyadoo duqeeyay goobo ka mid ah magaalooyinka Riyadh iyo Jeddah iyo meelo ka mid ah gobolka Koonfurta Sucuudiga ee xadka la leh dalka Yemen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post