Saudi a, Abha(ANN)- Xuutiyiinta dalka Yemen ee la dagaalama xulufada Sucuudiga, ayaa Gantaal la beegsaday garoonka caalamiga ah ee Abha (Abha International Airport ) oo dhinaca Koonfur galbeed dalka Sucuudiga ku taal.
Gantaalka oo qabsaday maanta Madaarkaa oo ah saxmad ah, ayaa sababay inay dhaawacyo soo gaadhaan 26 qof oo rayid ah, sida uu sheegay Afhayeenka isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen, Turki al-Malki.
Sideed ka mid ah dadka ku dhaawacmay garoonka diyaaradaha Abha, ayaa la dhigay loola cararay Cisbitaalka, iyadoo 18-ka kale laga saaray Cisbitaalka kadib markii ay heleen gargaarka deg degga, sida lagu sheegay war ay faafisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.
Dadka dhaawaca ah, ayaa la sheegay inay ku jiraan saddex dumar ah oo mid ka mid ah ay u dhalatay dalka India iyo laba caruur ah oo Sacuudiyaan ah.
Duqaynta ay Xuutiyiintu la beegsadeen Garoonka, ayaa sababay in duulimaadyada garoonka Abha uu dhowr saacadod hakad galo, balse mar danbe ayaa dib loo bilaabay duulimaadyada iyo adeega garoonkaa oo ku yaal magaalada Abha oo dhacda Koonfur galbeed ee dalkaa, isla markaana ah caasimada gobolka Asir ee buuraleyda dhaadheer ee mara halkaa, iyadoo Abha ku taal buuraha dushooda, isla markaana ah magaalo qabaw oo ay dadka Sucuudigu usoo guuraan, amma ay ku nastaan xilliyada xaggaaga ee ay ka soo cararayaan kulayka magaalooyinka waaweyn ee Jeddah iyo Riyadh.
Gantaalka haleelay madaarka Abha, ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii Ciidamada difaaca hawada Sacuudiga ay shalay sheegeen inay dhexda ka qabteen laba diyaaradood oo nooca looyaqaan Drone, kuwaas oo ay kusoo weerareen Xuutiyiinta dalka Yemen, isla markaana doonayeen inay ku duqeeyaan goobo cayim.
Xuutiyiinta, ayaa tan iyo markii uu bilaabmay dagalka Xulufada Sucuudiga ee Yemen sannado ka hor, waxay marar baddan weeraro duqaymo loo adeegsaday Drone iyo gantaalo la beegsadeen dalka Sucuudiga, iyadoo duqeeyay goobo ka mid ah magaalooyinka Riyadh iyo Jeddah iyo meelo ka mid ah gobolka Koonfurta Sucuudiga ee xadka la leh dalka Yemen.