X
    Categories: Warar

Xuska Maalinta Dhagax-tuurka ee 20 February oo loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Qaranka Somaliland

Silanyo

Araweelo News Network

Madaxweyne Axmed Siilaanyo


Hargeysa (ANN)- Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu shaaciyey in xuska maalinta dhagax-tuurka ee 20-ka February loo aqoonsaday maalinta dhallinyarada qaranka.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Siilaanyo, ayaa meel-mariyey in sannad kasta noqoto maalinta dhallinyarada dalka 20-ka February oo ku beegan Isniinta berri, haddii Alle yidhaah.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto Madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/M/XERM/249-4570/022017 uu ku meel-mariyey in maalinta 20-ka bisha February ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:
Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu tixgeliyey: Codsiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee summaddiisu tahay WDHC/01/08/17, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay codsi magacaabid maalinta dhallinyarada Somaliland;
Markuu qiimeeyey: Ahmiyadda dhallinyaradu u leeyihiin qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiirrigaliyo;
Wuxuu go’aansaday;
• In maalinta 20-ka bisha February ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
• In Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu hirgeliso xuska maalintaas sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa hay’addaha ku shaqada leh arrimaha dhallinyarada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Madaxtooyada.
20-ka bisha February oo hore loogu xusi jiray maalinta dhagax-tuurkii ardayda iyo dhallinyarada reer Somaliland, gaar ahaan kuwa caasimadda Hargeysa kala hortageen taliskii xasuuqa ee Siyaad Barre sannadkii 1982-kii.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post