X
    Categories: Warar

Xulufada Sucuudiga Oo Soo Dhoweeyay Baaq Nabadeed Oo Ka Yimi Madaxweynihii Hore Ee Yemen Iyo Xuutiyiinta Oo Ganafka Ku Dhiftay

Araweelo News Network

former President Yemen Ali Abdullah Saleh

Riyadh(ANN)-Isbahaysiga uu Hoggaamiyo Sacuudigu ee dagaalka ka wada dalka Yemen, ayaa soo dhaweeyay hindasa Madaxweynihii hore ee Yamen, Cali Cabdalle  Salax oo ugu baaqay xulufada Khaliijka in la joojiyo dagaalka oo lagu bedelo wada hadal nabadeed.

Sidaana, waxa lagu sheegay Bayaan ay soo saartay xukuumadda Sacuudigu oo ay ku ammaantay rabitaanka nabada ee Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalle  Salax ku dalbayo wadaxaajood uu la galo xulufada uu Sacuudigu hoggaaminayo.

Ciidamada Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salax iyo Xuutiyiinta, ayaa ahaa isbahaysi dagaal kula jira sacuudiga iyo xulufadiisa, kuwaas oo gacanta  ku haya magaaladda Caasimada ah ee Sanca Iyo inta baddan magaalooyinka Iyo gobolada dalka marka laga reebo Magaaladda Dekedda Caanka ah leh ee Cadan oo dhinaca Koonfurta Yemen ah iyo meelo ka mid ah gobolada Koonfurta.

Hase yeeshee Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, ayaa dhawaaqa uu ku baaqay ka sheegay Teleshinka laga leeyahay Yemen, isagoo wada hadalka shuruud uga dhigay in la Joojiyo duqaymaha lagu hayo dalka Iyo in marka hore la qaado cunaqabatynta ay xulufadu ka saareen dalka Cirka, Badda iyo Dhulka.

Sidoo kale dhawaaqa Cali Cabdalla Saalax, ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmihii u dambeeyay ayaa dagaal ka dhex qarxay Xuutiyiinta iyo xooggaga taabacsan  Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.

Xuutiyiinta, ayaa dhankooda  canbaareeyay soo jeedinta Madaxweynihii  hore ee Yemen ee ah in  wadahadal lala galo Sacuudiga Iyo xulufadiisa. Sida uu sheegay Abdul Malik Al-Houthi.

 

Hoggaamiyaha  dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta , Abdul Malik al-Houthi, ayaa ugu baaqay dhammaan kooxaha Yemen in ay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo xasiloonida dalka, wuxuuna ku booriyay Madaxweynihii hore Saalax  in uu noqdo mid caqli baddan oo tixgeliya qaranimada Iyo wadajirka dalka Yaman, wuxuuna ku baaqay in la Joojiyo dagaalka u dhexeeya Malayshiyadiisa Iyo Malayshiyada Cali Cabdalla oo  ay xulufo yihiin, kuwaas oo dagaal kula jiray Isbahaysiga Sucuudiga, balse maalmihii u danbeeyay dagaal culus ku dhexmarayo Sanca.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post