Ra’iisal Wasaaraha Poland Oo Ka Digay Khatarta Soo Waajahday NATO
#Araweelo_News_Network.
Warsaw(ANN)-Dalalka ku bahoobay Nadiga NATO ee xullufada Maraykanka, ayaa ka walaacsan khatar kasoo fool leh xadka Poland oo laga cabsi qabo innay dagaal ka bilaabaan kooxda Wagner ee calooshood u shaqaystayaasha.
Milateriga Poland ayaa dib u daadulaya cutubyo baddan oo ku dhow xadka uu la wadaago Belarus. Arrintan cabsida ah ayaa timi kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner ee Ruushka ay tababar ku siiyeen askarta Belarusian ee aagga xadka ay la wadaagto Poland.
Cabsida ayaa sii korodhay, kaddib markii warbaahinta Poland oo soo xiganay dadka ku sugan Poland ee u dhow xuduudka ay soo sheegeen innay maqlayeen rasaas iyo diyaarado Helicopters ah, kuwaas oo dhaqdhaqaaq Millateri ka waday aagga, iyadoo Warsaw ay hore ugu dirtay aagga ciidamo dheeri ah si ay u xoojiyaan ammaanka xudduudda Belarus horaantii bishii hore.
Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha Poland Mateusz Jakub Morawiecki ayaa sheegay in joogitaanka Wagner ee sii kordhaya dalka Belarus ay tahay khatar sii kordhaysa oo ku wajahan Poland iyo NATO, isagoo xusay innay in aagga cabsida laga qabo ee xadka Poland meel aan ka fogayn ay joogaan ilaa 3000, oo Wagner, kuwaas oo aan waddan dubaabado, laaakiin wuxuu u sheegay warbaahinta Mateusz Morawiercki inay sitaan kooxda Wagner ee ku sugan halkaa hub khatar ah.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com