X
    Categories: Warar

Xukuumaddaha Masar, Ethiopia Iyo Suudaan Oo Heshiis Ka Gaadhay Muranka Biyaha Niilka

Ethiopian police arrive at the scene after the engineer in charge of Ethiopia's Grand Renaissance Dam was found dead in his car [Minasse Wondimu Hailu/Anadolu Agency]

Washington(ANN)-Xukuumaddaha Dalalka Masar, Ethiopia iyo Suudan, ayaa heshiis ka gaadhay muranka Biyo-xidheenka (The Great Ethiopian Renaissance Dam) oo khilaafkiisu soo jiitamay.


Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar, ayaa Jimcihii ku dhawaaqday heshiiska kama dambaysta ah ee la xidhiidha buuxinta biyo-xireenka Renaissance Dam, sida ay soo werisay wakaaladda wararka ee Anadolu.

War-qoraal ah, oo kasoo baxay Wasaaradda Beeraha dalka Masar, ayaa shaaca ka qaadday in wadahadalladii saddex geesoodka ahaa ee ku saabsan buuxinta iyo ka shaqaynta biyo-xidheenka lagu dhammeeyay wadahadal ka qabsoomay Washington, kaas oo uu dhinacyada isu soo dhoweeyay xoghayaha maaliyadda Maraykanka, Steven Mnuchin, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen wakiillo ka socda Hay’adda Lacagta Adduunka (International Monetary Fund) IMF).

Heshiiska ayaa waxa ka mid ah qorshayaal ku saabsan buuxinta biyo-xidheenka iyo tillaabooyinka la qaadayo inta lagu jiro waqtiyada Abaarta, iyo sidoo kale xeerarka ku saabsan hawlgalka muddada-dheer, waxa kale oo heshiiska ku jira habraacyo la xidhiidha wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ah.

Xukuumadda Washington ee Maraykanka, ayaa shaaca ka qaaday in iyadoo ay weheliso Haya’dda IMF, ay si wadjir ah uga qeyb qaadanayaan, sidii loo soo saari lahaa qabyo qoraalkii ugu dambeeyay ee heshiiska.


Sida lagu sheegay bayaanka qoraalka ah, heshiiska ayaa la soo gabagabayn doonaa, isla markaana la filayaa inay dhinacyadu si wadajir ah u saxeexi doonnaan ka hor dhamaadka bishan February.


April 2011, ayaa ayay Ethiopia bilawday dhaamka, waxaana ku baxay lacag dhan, $4 billion USD, wuxuuna qaadayaa qiyaastii, 10,200,000 m3 (13,300,000 cu yd), balse waxa ka dhashay muran u dhexeeyay dalalka Webiga Blue Nile maro, kuwaas oo ku muransanaa qaabka loo isticmaalayo Biyaha, waxayna arrintaasi sababtay xiisada oo gaadhay meel adag iyo in la hakiyo Dhaamka markii tallada Dalka Ethiopia la wareegay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post