X
    Categories: Warar

Xukuumadda Yuhuuda Oo Qaraarkii Qaramada Midoobay Ku Tilmaantay Mid Ceeb Ah

Araweelo News Network

Jerusalem (ANN)Israa’iil ayaa si cadho leh uga jawaabtay qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaga dalbaday inay joojiso dhismooyinka deegaamaynta ah ee ay ka waddo dhulka Falastiin ee ay haysato.

Ra’iisulwasaare, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil aanay adeeci doonin shuruudaha ku jira qaraarka kaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ceeb ah.

Israa’iil ayaa wadatashi ugu yeedhay safiiradeeda u fadhiyay dalalka New Zealand iyo Senegal, labadan dal ayaa ka mid ahaa dalalkii gadaal ka riixayay qaraarka Qaramada Midoobay, sidoo kale Israa’iil waxa ay jartay dhammaan mashaariicdii gargaarka ee ay siin jirtay dalka Senagal.

Afhayeen u hadlay Falastiiniyiinta ayaa soo dhoweeyay qaraarkaa, wuxuuna sheegay in qaraarka uu ka dhigan yahay guul u soo hooyatay sharciga caalamiga ah.

Qaraarka ayaa la meel mariyay kaddib markii Mareykanka oo aad u taageera Israa’iil uu diiday inuu adeegsado codka diidmada qayaxan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post