X
    Categories: Warar

Xukuumadda Xasan. Sheek Oo Ka Darreen Calisay Qaylada Xeerka Gefka Ku Ah Dhaqanka Iyo Caqiidada Islaamka Ee Golaha Wasiiradda Loo Gudbiyay

Golaha Wasiiradda Somalia Photo file Araweelo News Network

Araweelo News. Network

Muqdisho(ANN) Gollaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Kulanka Golaha ayaa guud ahaan looga dooday Sharciga Genderka oo dhawaan ay qaar kamid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed dhaliileen qodobo ku jira.

Ra’iisul Wasaare Sharmaarke ayaa soo dhaweeyey culumada sheegayna in Golaha Wasiirada oo wada muslimiin ah aysan diinta gaf ku sameyn karin, sidoo kalena xusey in culumada iyo dawladda muhiim tahay in ay iska arkaan arrimahan oo kale ka hor inta uusan gaarin Saxaafadda.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in si wanaagsan loo dhageysan doono baaqa culumada Soomaaliyeed, lana ogaan doono qaladka ay arkeen. isagoo xusay in ansixinta xeerka Genderka ka hor la hubiyay in ay san ku jirin qodobo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka iyo Qaanuunka u yaala dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa guddi u saarey arrinta la xiriirta Buugga Genderka ee walaaca ay ka qabaan Culimadu, waxana ay guddigan ka wada shaqayn doonaan in la isla eego guud ahaan qodobada uu ka kooban yahay si meesha looga saaro wax walba oo walaac keeni kara.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Majmaca Culimada, ayaa Xukuumada uga mahaceliyay fursada ay u siiyeen in ay Golaha hor yimaadaan, wuxuna tilmaamay in xukuumada ay isku raaceen in diinta la wada ilaalin doono, aadna ay uga xunyihiin sida loo fasirtay bayaankoodii.

—DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office Mogadishu, Somalia media.opm@gmail.com Twitter: @Somal

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post