X
    Categories: Warar

Xukuumadda UK Oo Ka Hadashay Xoriyada Saxaafada Somaliland Iyo Xirfada Warbaahinta

The Uk Head of the British Office in Hargeisa, Stuart Brown

Hargeysa(ANN)-Madaxa Uk ee Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, Stuart Brown, ayaa ka hadlay saxaafada Somaliland ee xilligan, wuxuuna dhaliil u jeediyay xarumaha Warbaahinta Somaliland oo uu sheegay inay ka maqantahay Tafaftirka iyo dhaqanka suxufinimo.

Madaxa Xafiiska Dawladda Britain ee Somaliland, Mr. Stuart Brown, oo ka qaybgalay munaasibad tododobaadkii hore Jaamacada Hargeysa ka dhacday oo xaflad loogu qabatay 35 Arday oo dhamaysatay barashada Saxaafada, kuwaas oo muddo sannad ah ka baranayay Jaamacadda aqoonta mihnada Saxaafada, isla markaana la guddoonsiiyay shahaadooyinka professional journalism


Mr. Stuart Brown oo dawladiisu maalgelisay mashruucaa, ayaa Hambalyo u dirayaa fasalka koowaad ee, Ardayda 35 ah ee Somaliland ee la gudoonsiiyay shahaadooyinka professional journalism, wuxuuna u rajeeyay inay wax ka bedelaan qaabka ay Saxaafada Somaliland tahay oo ay muujiyaan isbedel.

Madaxa Xafiiska Dawladda Britain ee Somaliland, Mr. Stuart Brown, ayaa Bartiisa Twitter-ka ku qoray in halkan (Somaliland) ay adagtahay inaad wariye ka noqoto halkan. wuxuuna ku sababeeyay xadhiga Suxufiga oo badab iyo sidoo kale, iyadoo xarumaha warbaahineed ay ka maqan shaqada tifaftirka; taas oo sababtay in habdhaqanka suxufigu noqdo mid liita, isla markaana uu wiiqay xirfadda Suxufinimo. Balse waxa uu xusay in Uk ku hanweyntahay taageerada sidii loo bedeli lahaa taas.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post