X
    Categories: Warar

Xukuumadda Tuuniisiya Oo Xabsiga Dhigtay Koox Lala Xidhiidhiyay weerarkii Berlin Ee Dhiiggu Ku Daatay

Araweelo News Network

Tunis(ANN)Ciidammada ammaanka ee Dalka Tuuniisiya ayaa xidhay wiil uu abti u ahaa ninkii lala xidhiidhiyay weerarkii Berlin ee la rumaysnaa inuu qaaday Mr. Anis Amri iyo laba qof oo kale oo laga shakiyay inay qayb ka yihiin shebekad argagixiso, sidaana waxa sheegay saraakiisha ammaanka ee dalkaa.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Tuunisiya, ayaa sheegtay in saddexdaa qof oo ay da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 27, ay ka tirsan yihiin “shabakad argagixiso”, waxaana ay Boolisku xidheen habeenimadii xalay.

Anis Amri, oo 24-jir, kuna dhashay dalka Tuuniisiya oo lala xidhiidhinayay weerarkii Isniintii ee gaadhi lagu jiidhsiiyay suuq ku yaal magaalada Berlin oo ay ku dhintay 12 qof halka 49 kalana ay ku dhaawacmeen. Mr. Anis Amri, ayaa la xaqiijiyay in maalintii Jimcihii toogasho ay ku dileen ciidammada booliska ee magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Tuuniisiya, ayaa lagu sheegay in wiilka uu abtiga u ahaa Amri uu qiray in uu abtigii kula xidhiidhi jiray barnaamijka Telegram ee ay bulshadu ku wada xidhiidho si uu uga gaashaanto dhaqdhaqaaqyada ammaanka ee abtigii lagu baacsanayay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post