X

Xukuumadda Turkiga Si Adag Uga Hadashay Weerarkii Muqdisho

Gurmadka deg-dega ah oo guraya Maydadka iyo dhaawaca qaraxa Maqaaxida Luul Yemeni ee duleedka Dekedda Muqdiho 5 March 2021. Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Turkigu Muxuu Ka Yidhi Taageerada Soomaaliya

Ankara(ANN)-Xukuumadda Turkiga, ayaa si adag uga hadashay weerarkii qaraxa ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho xalay, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 20 qof.

Xukuumadda Ankara, ayaa ka mid ah dhawr dowladood oo  taageera dowladda federaalka Soomaaliya, is;a markaana gacabta ku haysa dekadda iyo madaarka Muqdisho.

Sidoo kale, Turkiga ayaa taageero mIlateri iyo mid dhaqaale siiya dawladda Federaalka ee Soomaliya, iyadoo tababaro siisa ciidamada dawladda Federaalka.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arimaha dibedda  Turkiga ayaa lagu sheegay sida ay uga xun yihiin qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho ee ismiidaaminta ahaa, kaas oo xalay lagu weeraray makhaayada Luul Yemeni ee dekedda  Muqdisho.

 

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka foosha xun ee argagaxiso waxaanan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi, war saxaafadeedka.

“Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe korkiisa kuwa naftooda ku waayey, kuwa dhaawacmayna waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah” ayaa lagu yidhi.

War saxaafadeedka arrimaha Dibbeda Turkiga, ayaa lagu sheegay mawqifka dawladda Turkiga ee Soomaaliya, waxaana lagu yidhi sidan:-

“Waxaan mar kale carrabka ku adkeyneynaa inaan sii wadi doonno garab istaagga dadka walaalaha ah e Soomaaliya ee dagaalka ay kula jiraan argagixisada ayay war saxaafadeedka ku tidhi wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga.

Weerarka oo aha Bam, ayaa habeenimadii Jimcaha ka dhacay makhaayada Luul Yameni ee duleedka Dekadda Muqdisho, waxa ku naf waayay ugu yaraan dad gaadhaya 20-qof, kuwaas oo isugu jira ciidan, shaqaale dawladdeed iyo dad shacab ah.

Dr. Abdulkadir Ahmed oo ah gurmadka Amiin Ambulance , ayaa u sheegay Reuters in dhaawacu gaadhay ilaa soddon qof, halka dhimashadu gaadhay ilaa 20 qof.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post