X
    Categories: Warar

Xukuumadda Taagata Daran Ee Somalia Oo Soo Bandhigtay Ciidamo Ay Sheegtay Inay Amaanka Muqdisho Ee Sii Xumaanaya Wax Ka Tarayaan Xili Al-shaabab Kordhisay Weerarada

Muqdisho(ANN)Xukuumadda taagata daran ee Somalia, ayaa soo bandhigtay Ciidamo ay sheegtay inay wax ka qabanayaan xaalada amaanka magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.


Taliska Ciidamamada Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay Ciidamadaa oo isugu jira Haween iyo Rag, kuwaas sida ay sheegeen ka mid noqonaya Ciidanka Booliska, isla markaana si gaar ah loo tababaray si ay qayb uga noqdaan hawlgalada dhinaca amaanka ee muqdisho, iyadoo saraakiisha Boolisku sheegeen inay amaanka Muqdisho gacan bir ah ku qabanayaan.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska ah ee tababarku u dhamaaday, ayaa maanta socod gaada ka cayaaar ah ku maray jidka dheer Maka Al-mukarama oo ka mid ah jidadka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, isla markaana inta baddan ay ka dhacaan weeraro qorshaysan iyo qaraxyo.

Taliska Booliska ayaa sheegay in Ciidanka cusub ee Boolisku ay wax ka qabanayaan arrimaha nabadgelyada magaalada Muqdisho, waxaana lasoo bandhigay ciidanka xili amaanka magaalada Muqdisho sii xumaanayo, iyadoo lagu guda jiro bilawga Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo hore looga bartay Al-shabaab iyo kooxaha la mid ah inay xoojiyaan bishan oo kale weerarada iyo qaraxyada ay fuliyaan.

Dhoolatuska ciidanka Booliska ee lasoo bandhigay iyo hanjabaada saraakiisha ciidanka amaanka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay Al-shabaab ayaa 24kii saac ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka fuliyay weeraro iyo qaraxyo, waxayna Qarax ka dhacay Wadada Wersheddaha ayaa lala beegsaday gaadhi ay saarnaayeen saraakiil iyo ciidan aan tiradooda la shaacin oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group, waxaana wararku sheegeen inuu jiray dhaawac iyo dhimasho ugu yaraan hal sarakaal sida ay sheegatay Al-shabaab, ayaa ku dhintay weerarka qaraxa. Kadib markii gaadhigaa loo dhigay Miino dhulka lagu aasay.
Sidoo kale weerar kale ayaa lagu dilay Laba Askari suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho 24-kii saacadood ee u danbeeyay, waxaana weeraradaa sheegatay oo la kowsaday Bisha Barakaysan ee Ramadaan sheegatay Al-shabaab, iyadoo aanay xukuumadda Somalia iyo saraakiisha amaanka muqdisho ka hadlin.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post