X
    Categories: Warar

Xukuumadda Switzerland Oo Sharcigii Muwaaddinnimo Ka Hakisay Laba Oo Diiday Inay Salaan Ku Gacan Qaadaan Dumar Iyo Doodaha Ka Dashay

Araweelo News Network

Switzerland-Therewith(ANN)Dawladda Switzerland, ayaa hakisay sharci muwaaddinnimo ay hore ugu oggolaatay qoys Suuriyaan ah, kadib markii laba wiil oo carruurtooda ka mid ah ay diideen inay gacan qaadaan macallimiintooda oo haween ah.

Wiilashan oo gudanayey waajibaadka diinta Islaamka ee laga hakiyey muwaaddinimada, ayaa dood ka dhex abuurtay dalka Switzerland, iyadoo la isku qabsaday in dawladdu ku xadgudubtay xaqa qofku u leeyahay gudashada waajibaadyada diintiisa.

Labada wiil oo walaalo ah, da’dooduna kala tahay 14 jir iyo 15 jir oo ay dhaleen qoys 2001 magangelyo siyaasadeed Switzerland laga siiyey, ayaa saraakiisha waxbarashada magaalada Therwi oo ku taal woqooyiga dalkaasi ku amreen inay gacan qaadaan haween macallimiin u ah, balse way diideen arrintaas, iyagoo u sheegay in aanay diinta islaamku u bannayn tallaabadaas.
Masuuliyiinta Golaha Degaanka ee Therewith, ayaa sheegay in qoyskan laga hakiyey siinta waraaqihii degenaanshaha ee dalkooda, sharci muwaaddimmimo oo loo qabanqaabinayeyna dib loogala noqday ilaa inta xal rasmi ah laga gadhaayo arrinkooda.
Wiilashan ayaa lagu haystaa inay sameeyeen takoorid dhinaca jinsiga ah, balse waxa kale inta badan dadku ku doodayaan in lagu xadgudbay xaquuqdooda diimeed.
Wasiirka Caddaaladda Swiss Mr. Simonetta Sommaruga, ayaa ka mid ah siyaaisyiinta ku doodaya in gacan qaadku qayb ka yahay dhaqanka bulshada dalkiisa, isla markaana wiilashaasi ku xadgudbeen.
“Uma malayn maayo in aan ka hadli karno xidhiidhka is-dhexgal ee gacan-qaadka dadka diiday, laakiin shaqsi ahaan waxaan diidayaa codsigooda. Madaxweyne ahaan waxaan kuu xaqiijinayaa in codsigooda dib loo eegayo sida arrimaha kale oo dhan.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Guddida Qabashada Codsiyada Bixinta Muwaaddinnimo Ajnebiga ee Switzerland Mr. Geroge Thuring.
Bulshada ku dhaqan dalka Switzerland waa siddeed milyan qof oo ay ku jiraan 350,000 (saddex boqol iyo konton kun) Muslimiin ah.
Muran sidan oo kale ah ayaa ka dhex abuurmay masuuliyiin iyo waalid Muslimiin ah oo ku dooday in gabadh ay dhaleen laga reebo dabbaasha amma casharro dabbaasha ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post