Araweelo News Network

 

Burkan H-2

RiyadhANN)- Xukuumadda Sucuudiga ee hoggaamisa Isbeheysiga dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen,  ayaa sheegay in ay qabteen gantaal nooca Balastiga ah  ka sameysan oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga.

 

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo yaqaan Burkan H-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama ee boqortooyada Sucuudiga.

Mohammed Abdulsalam oo ah Afhayeen u hadlay malayshiyada  Houthi , ayaa sidoo kale sheegay in Gantaalka  Burkan (Volcano) H-2 oo gaadhaya 800 km, lala beegsaday Qasriga  al-Yamamah ee Riyadh oo ay ku kulmayeen saraakiil Sucuudi ah Iyo dublamaasiyiin ka socday dalalka Isbahaysiga, balse ma sheegin Afhayeenku khasaraha uu sababay gantaalku.

Wakaalada Wararka ee Reuters, ayaa sheegtay in Magaalada caasimada ah ee Riyadh laga arkayay markii gantaalka la maqlay qiiq madam oo Hawada qabsaday.

Sidoo kale Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Sacuudiga, ayaa sheegay in ay maqleen qaraxa, waxaana markiiba baraha bulshada la geliyay qiiq ka baxaya dhanka hawada sare ee ku beegan goobta lagu qarxiyay Koonfureed ee Riyadh.

Warbaahinta Sucuudiga, ayaa sheegtay in aan weli la xaqiijin karin khasaaraha uu geystay gantaalka dhinaca dalka Yemen.

Dhinaca kale Isbahaysiga ay hoggaamiso Xukuumadda Riyadh, ayaa sheegtay in Koonfurta Riyadh lagu qarxiyay gantaalka sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Isbahaysiga, waxayna ku eedeeyeen weerrarkaa mid Xukuumadda Iran soo abaaushay oo gardaro ah.

 

.

Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh, waxaana marar badan oo kale Xuttiyiintu sidan oo kale gantaalo loogu ganay dalka Sucuudiga, kuwaas oo qaarkood khasaare geysteen.

Xukuumadda Saudia iyo Mareykanka ayaa xukuumadda Iran ku eedeeyay in ay madaafiic siiso Xuutiyiinta Yemen, balse xukuumadda
Iran,  ayaa beenisay in ay hubeysay dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta oo dagaal kula jira isbeheysiga Sacuudiga iyo dowladda Yemen tan iyo 2015-kii, markii xukumaddii Yemen.