X
    Categories: Warar

Xukuumadda Soomaaliya Oo Sheegtay in La Qabtay Lacag Imaaraadku Dhinaca Xadka Kenya Ka Soo Gelinayay

Araweelo News Network.

 

Mandheera (ANN)- Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qabteen lacag dollar ah oo aan cadadkeeda la sheegin oo la doonayay in lasoo geliyo guddaha dalka Soomaaliya.

Sidaana waxa warbaahinta maxaliga ah ee u sheegay Saraakiisha Ciidamada amaanka Soomaaliya ee ku sugan xudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

Taliyaha saldhiga bilayska ee degmada Beled-Xaawo, ayaa u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah inay gacanta ku dhigeen laba Nin oo sitay lacag aannu sheegin cadadkeeda oo dollar ah, taas oo sida uu sheegay la doonayay in dhinaca xadka laga soo geliyo Soomaaliya.

AKHRI: Diyaarad Malaayiin Dollar Sida Oo Dawladda Imaaraadku Ka Dejisay Muqdisho Oo Doodo Dhalisay Iyo Safiirka Oo Ka Hadlay

Wuxuu sidoo kale sheegay in ragga lacagta sitay ay sheegeen inay ka keeneen dalka Imaaraadka Carabta, isagoo intaa ku daray in qorshaha la doonayay uu ahaa in lacagtaa lagu khalkhaliyo doorashada Soomaaliya.

Dhinaca kale, saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ciidanka amaanka xuduudaha la geliyay heegan buuxa si loo ilaaliyo waxyaabaha dalka lasoo gelinayo.

Ma jiro illo madax banaan oo xaqiijinayo sheegashada saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Ma jiraan wax cadaymo ah oo muujinaya lacagta halka loo siday iyo ujeedada laga lahaa, sidoo kale saraakiishu ma sheegin cadadka lacagta iyo magacyada ragga sitay iyo dalka ay u dhasheen, isla markaana dalaka Imaaraadka ayaan weli ka hadlin dhacdada lala xidhiidhiyay ee lacagta ay saraakiisha Boolisku sheegeen in gacanta lagu dhigay.

.

Hase yeeshee maamul goboleedka Jubaland ee Soomaaliya oo ay si weyn xukuumadda Federaalka isu khilaafsan yihiin, ayaa ku tilmaamay arrintaa mid la xaqiijin karin, isla markaana waxay ku macneeyeen in ay qayab ka tahay qorshayaasha Madaxweynaha Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Faramaajo ku doonayo sidii shacbiga loogu gelin lahaa nacayb dalka Imaaraadka.

Waxa la xusuusan yahay in horraantii Apr 2018, in Diyaarad ay leedahay dawladda Imaaraadka oo siday shixnad lacag Malaayiin dollar ah kasoo degtey dhabaha diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradaha oo ay ilaalinayeen ciidamo ka tirsan dowladda Imaaraadka carabta ayaa siday shanadado xidhan oo laga soo buuxiyay lacag dollar ah oo xukuumadda Imaaraadku ku waday gudaha Soomaaliya, balse saraakiisha garoonka ayaa sheegay xilligaa inay qabteen lacagtaa oo ku jirtay shandado, kaddib markii ay ka shakiyeen, waxayna dalbadeen in la baadho, laakiin howl-wadeennada safaaraddda Imaaraadka ee Muqdisho ayaa diiday in la furo shandadahaa.

Diblamaasiyiinta Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho oo diiday in la baadho shandadaha ay leedahay safaarada ay dalka ku leeyihiin, ayaa ugu danbayntii lagu khasbay in la baadho, waxayna markii lagu arkay lacagtaa ku doodeen in loogu talagalay mushaharka ciidamada Soomaalida ee uu Imaaraadku tababaro.

Hase yeeshee saraakiisha xukuumadda Soomaaliya ee dhinaca amnigu kuma qancin arrintaa, waxaana muran dheer kaddib lacagtaa oo cadadkeeda lagu sheegay $ 9, 600, 000 malyuun la wareegay ciidamadda lagu magcaabo NISA.

Arrintaa ayaa sababtay in uu banaanka usoo baxo khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay dawladda Federaalka iyo Soomaaliya, kaas oo sababay inay cilaaqaadka kala qaataan.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post