X
    Categories: Warar

Xukuumadda Soomaaliya Oo Shaacisay Magacyada Ku Dhowaad Labaataneeyo Saraakiil Al-shabaab Ah Oo Gacanta Lagu Dhigay Iyo Arrimo Kale Oo Qorshaysan

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN) – Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa soo bandhigtay magacyada ku dhowaad labaatan sarkaal oo ka tirsnaa Al-shabaab oo lagu qabtay hawlgaladii u danbeeyay ee dhinaca Ammaanka ee la fuliyay.

Shirkii  Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka oo maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo bandhiy magacyada xubnahaa iyo qorashayaal ay xukuumaddu fulinayso, shirkaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre ) waxa kaloo lagaga hadlay arrimaha amniga, Shirwynaha Culumada Soomaaliyeed  iyo mashaariic loo qorsheeyay in fuliyo.

Sida lagu qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka oo soo gaadhay shebeadaha Araweelo News Network, waxa lagu shaaciyay magacyada shaqsiyaad ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo lagu soo qabtay hawlaglo dhinaca amaanka ah oo la fuliyay.’

Wasiirka Amniga Gudaha dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xidhiidha amniga, isagoo sheegay in ay hay’addaha amnigu wadaan howlgalo qorsheysan oo kuwii ugu danbeeyey ee laga fuliyey degmada Afgooye lagu soo qabqabtay 29 oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen,
1. Aweys Khadar Ahmed, oo ahaa Amiirka u qaabilsaanaa howlgalada Afgooye
2. Abdullahi Mohamud Mukhtaar (Ileey), farsamoyaqaanada qaraxyada,
3. Salah Abdulkadir Abdulle, Madaxa lacagaha Sakawaatka
4. Mohamed Aweys Ali, oo ka tirsanaa amniyaatka
5. Mohamed Hussein Salad (Yemeni), oo ka tirsanaa amniyaatka
6. Mohamed Ali Hassan – Amniyaatka
7. Bakar Mohamed Yaqub – Miiniiste ahaan tashkiiliyaha dhalinyarada
8. Sakariya Salad Mohamed – Amniyaatka
9. Aweys Kamal Muhiadin – Amniyaatka

Sidoo kale waxaa ;agu sheegay qoraalkaa in la soo qabtay gacan ku dhiigle Cabdiweli Cabdi Daauud oo ka tirsanaa Booliiska Laanta Canshuuraha oo hore u baxsaday ka dib markii sida wasiirka Aminga gudduhu sheegay uu dil uu u geystey marxuum Guled Abdulkadir Muse.

Golaha Wasiirada, ayaa warbixin ka dhageystey Faduma Osman Farah oo ah Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, iyadoo ka warbixisay horumarka maamulka iyo maareynta maaliyada. Faduma ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu diyaariyey nidaamkii loo baahnaa oo ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada, Bankiga Dhexe, Bankiga Aduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa golaha wasiiradda siiyey warbixin mashaariicda dhowaan la bilaabi doono, oo sida uu xusay ay ka mid yihiin waddooyinka dalka qaarkood iyo hay’addaha dowliga ah si loo hirgeliyo maamul wanaag. Ra’iisal Wasaare Khayre,  ayaa hoosta ka xariiqey muhiimada dib u dhiska dalka si shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta, ayaa dhankiisa wa ka rbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo la filayo in la qabto bisha December ee 2017, kaasoo uu sheegay inuu yahay  shir wadatashi ah maadaama culumadu ay yihiin hormoodka bulshada, iyadoo golaha wasiirada dawladda federalku dood dheer ka yeeshay sida ugu habboon ee loo qaban karo shirweynaha oo ay tallooyin ku biiriyeen.

Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta, ayaa golaha warbixn ka siiyay Hindise Sharciyeedka Nidaaminaya Naqshadeynta magaalooyinka, Horumarinta dhismaha iyo maamulka Dhulka, waxana dood dheer ka dib, lagu ballamay in todobaadyada danbe la ansixiyo.

Wasiirka Dastuurka, ayaa ka warbixiyey shir ay wada shir guddoominayeen isaga iyo wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay ka soo qeybgaleen dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo lagag hadlayey dardargelinta dib u eegista dastuurka, xasilinta dalka, iyo dardargelinta doorashooyinka halka cod iyo halka qof ee sanadka 2020.

–DHAMMAAD—-

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post