X
    Categories: Warar

Xukuumadda Soomaaliya Oo Meel Marisay Qorshaha Siyaasaddo Cusub

Golaha Wasiiradda Soomaaliya Villa Somalia 28 Nov 2019.

Muqdisho(ANN)-Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay qorshaha qaran ee Siyaasadda Istaraatiijiyadda cusub ee ku waajahan isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda, kadib markii Wasaaradda Boosaha, isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda usoo gubisay Siyaasad cusub.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebedda Araweelo News Network, waxa lagu meel mariyay qorshaha qaran ee Istaraatiijiyadda iyo siyaasadda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda kulan maanta golaha wasiiradu ku yeesheen xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.


Qoraalka, ayaa lagu xusay shanta sannadood ee ee soo socda (2020-2024), loo qorsheeyay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda dalka oo ay wadaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan oo isugu jira dawladda, shirkaddaha, hay’addaha ka shaqeeya horumarinta iyo cid kasta oo ay khuseyso. ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhinaca kale waxa lagu xusay qoraalka in Shirka golaha wasiiradda oo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre lagu ansixiyay soo jeedin ahayd in Soomaaliya dib ugu midnoqoto ururka la dagaallanka Ayaxa ee waddamada Bariga Afrika.

Geba-gebada qoraalka, ayaa lagu sheegay in siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda ee la meel mariyay ay taabanayso horrumarka dhinacyada kala duwan ee waxbarashada, caafimaadka, Beeraha, Ganacsiga iyo adeegyada kale ee dawladda, waxaana fulinteeda ka qayb gelaya wasaaraddaha ay khuseyso ee heer Federaal iyo heer dawlad-goboleed.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post