X
    Categories: Warar

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qorsheheeda Sanadka Cusub Ee 2018

Araweelo News Network

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. Yariisaw

Muqdisho(ANN)-Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya sanadka cusub ee 2018-ka qorsheyneyso inay ku talaabsato Horumaro la taaban karo oo shacabka Soomaaliyeed ay u riyaaqi doonaan.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in sanadka 2018-ka u qorsheysan tahay Dowladda Soomaaliya hirgelinta nidaamka doorashooyinka sida shuruucda, xisbiyada, doorashooyinka dawladaha hoose, dib u eegista dastuurka iyo dhammaan arrimaha hagaya in doorashooyin hal cod iyo hal qof ay dhacaan 2020ka.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi,” Soomaaliya waa socotaa ee qof walba waa inuu horumarka jira sii xoojiyo si aan u wada gaadhno doorashooyin shacabku doortaan Madaxdooda,”

Dhanka kale,Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku tallaabsatay horumar ballaadhan Sanadkii dhamaaday ee 2017, iyadoo caqabadihii jireyna lagu xaliyey si Soomaalinimo iyo nidaamka dowliga ah.

“Horumarada la gaadhay sanadkii tagay ee 2017 waxaa ka mid ah Amniga, Maamulka Maaliyada, Dib u eegista Dastuurka, Diyaargarowga doorashooyinka, Wadashaqeynta Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Iyo Gobolka Benaadir, isku xidhka shacabka iyo Dawladda, horumarinta warbaahinta, isla xisaabtanka, ansixinta 15 shuruucda muhiimka ah, soo celinta maamulka hawada, is-dhexgalka bulshada, siyaasada dhalinyarada, horumarinta cayaaraha iyo arrimo fara badan baan ku guuleysanay 9kii bilood ee Xukuumadu jirtey (tan iyo 1da April 2017),” Ayuu yidhi Wasiir Yariisow.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post