X

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qarax Khasaare Geystay

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Image file Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo safar ku marayay maalmihii lasoo dhaafay maamul goboleedka Galmudug,  ayaa ka hadlay qarax galabta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii qaranka iyo dadkii shacabka ahaa ee ku shahiiday falkii argagixisadu galabta ka geysteen magaalada Gaalkacyo. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wsaaraha, kaas oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

“Waxaan dhammaantood Allah uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo”.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa falkaa ku tilmaamay mid wuxuu ugu yeedhay argagixisadu ay ku beegsadeen saraakiisha iyo dadka rayidka ah, isagoo ku macneeyay inuu ahaa mid ka fog yahay naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummadda.

“Argagixisadii falkan geystay waxaan leeyahay, marnaba weerarradiinnu nama niyad jabinayaan, mana istaajinayaan geeddiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu jiraan nabad waarta iyo qarannimo xoog leh.” Ayuu yidhi, Ra’iisal Wasaare oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku duubnaadaan, una midoobaan wuxuu ku tilmaamay “cadowgan u diiddan nabadda iyo horumarka.”

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post