X
    Categories: Warar

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qaabka Ay Isticmaalay Lacag Malaayiin Dollar Oo Dawladda Sucuudigu Ugu Deeqday

Araweelo News Network

Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre

Muqdisho(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey taageero uu sheegay dib u dhiska dalka, gaar ahaan deeq 50ka Milyan oo dollar oo ay soo gaadhsiin ay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Khayre oo arrintaa ka hadlaya ayaa yidhi, “Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa Boqortooyada Sacuudiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”

“Booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu dhowaan ku tagey boqortooyada Sacuudiga, waxay ahyd mid lagu sii xoojinayey xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal” ayuu yidhi Khayre.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Federaalka ay ka go’antahay in deeqdaas loo isticmaalo kordhinta adeega shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in deeqdaa oo 50 milyan ah lagu shubayo Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, isla markaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan oo ay Dowladda Federaalku la wadaagi doonto warbixin hufan oo la xidhiidha qaabka kharashka loo bixiyey.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa sheegay in deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.

“xidhiidhka walaaltinimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh, kaalmadaan waqtigan loogu baahi badan-yahay waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sacuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxayna sahleysaa in Dawladda Soomaaliya sii labo jibaarto soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka.” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre.

DHAMAAD

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post