X
    Categories: Warar

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay 14 Heshiis Oo Lala Galay Dawladda Turkiga. Amniga Dhaqaalaha Iyo Arrimo Kale

Araweelo News Network

Golaha Wasiiradda Somalia Photo file Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)- Goloha Wasiiradda Soomaaliya, ayaa ka hadlay Dib-u-eegista hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya, Dhaqaalaha, Amnigga, Ansixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Turkiga iyo arrimo kale oo ay qayb ka yihiin Doorashooyinka 2020-ka.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo kulanka golaha wasiiradda Soomaaliya oo warbixino  laga dhagaystay qaar ka mid Goloha Wasiiradda. Waxaana kulanka shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa ka warbixiyay shir caalamiya oo uu kaga qayb-galay dalka Hindiya, kaas oo loogu magacdaray International Solar Allaince. Waxuuna sheegay in ay kulan wada yeesheen Ra’iisal Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, oo labada mas’uul ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada arrimaha bini’aadanimadda, gaar ahaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.

“Madaxda Hindiya waxaan ka wada hadalnay hannaanka isku socodka ee labada dawladood iyo xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga Hindiya, waxayna balan-qaadeen in ay ka shaqayn doonaan is-dhexgalka labada bulsho, si loo hagaajiyo loona fududeeyo hannaanka isku socodka ee labada dawladood” Ayuu yidhi Mudane Mahdi.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaw (Ducaale), oo golaha warbixin ka siiyay ammaanka dalka, ayaa dhankiisa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda nabbad illaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab. Taasina ay tahay guul ay gaadhay Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo dhankiisa ka hadlay kulankaa, ayaa cadeeyay in ay meel wanaagsan marayso tirakoobka iyo Tayeynta ciidamadda Qalabka sida, isagoo warbixintiisa ku xusay in ay jiraan ciidamo loo soo xidhay tababar, kuwaas oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaaladda dalka lagaga xoreynayo kooxda argagaxisada iyo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

“ Waxaan billownay barnaamij quudin ah oo loo samaynayo ciidamadda dalka, taas oo ah in cuntada ay cunaan ciidanka looga sameeyo dalagyadda kabaxa dalkeena, si looga maarmo Raashinka dibadda looga keenayo ciidanka oo kharash badan kaga baxo dawladda, faa’iido badana aanay ku haysan Ciidanku”. Ayuu yidhi Wasiiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sidoo ka hadlay halka ay marayso dar-dargalinta Koboca dhaqaalaha heer-kiisa 2-aad ee (SMP2). Waxuuna wasiirku sheegay in dakhligga seddexda billood ee ugu horeysay oo Beesha Caalamka ay Soomaaliya ka sugeysay kaas oo dhan $41 Million( Afartan iyo Kow Milyan), in hadda lasoo xareeyay $32 Milion (Soddon iyo Lobo Miliyan), iyada oo wali bishii seddaxaad ay socoto. Waxuuna sidoo kale sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka dawladda ay si habsami leh ku socoto.

Ugu dambayntii Shirka Golaha Wasiiradda, ayaa intii uu socday waxaa lagu Ansixiyay 14-Heshiis oo dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxeexdeen intii u dhaxaysay sannadihii 2013 ilaa 2018, kuwaas oo kala ahaa, Heshiiska Ganacsigga iyo iskaashigga Dhaqaalaha. Heshiiska iskaashigga Gaadiidka Badda. Heshiiska Iskaashigga Maal-gashigga. Heshiiska Iskaashiga Cusbitaalka Erdogan. Heshiiska Iskaashiga Biyaha. Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha. Heshiiska Iskaashiga Tamarta. Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada. Is-af-garadka Waxbarashada Sare. Is-af-garadka waxsoosaarka Beeraha. Is-af-garadka Kaluumeysiga. Is-af-garadaka Caafimaadka Xoolaha .Is-af-garadka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashigga Dhaqaalaha.Isfahamka Is-afgaradka ee dhaqanka.

—— DHAMAAD———

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post