X
    Categories: Warar

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Dayrisay Dhibaatada Fatahaada Ee Kasii Daray Iyo Dhaqaalaha Ay Ku Bixineyso Gurmadka

Araweelo News Network

Guddida Gurmadka Fatahaada ee Soomaaliya

Muqdisho(ANN)- Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka  ee Soomaaliya, isla markaana ah gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha webiga, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay yeesheen guddida loo xulay hawshaa gurmadka oo lagaga hadlayay howlaha gurmadka meesha ay marayaan iyo sida loo sii dardar gelin karo, sidoo kalena lagaga hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee deegaanada ay fatahaaduhu saameeyeen.

 

Ugu horeyn xubna kamid ah guddiga oo khamiistii tegay magaalada Beledweyne oo kamid ah deegaanada fatahaaduhu saameeyeen, ayaa ka war bixiyay xaaladda deegaankaa ka jirta iyo gargaarka la gaadhsiiyay.

 

Guddida ayaa  sheegay  in $100,000 oo maamulka Gobalka Banaadir uu bixiyay la gaadhsiiyay Beledweyne, isla markaana lacagtaa lagu wareejiyay madaxweynaha Hir-shabeelle si ay qeyb uga noqoto gargaarka lagu tabarucayo qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen. Guddida ayaa sidoo kale sheegay in safiirada Qadar iyo Turkiga ee Soomaaliya oo khamiistii tegay Beledweyne ay raashin gargaar ah u qeybiyeen 5,000 oo qoys.

 

Waxaa kale oo warbixin laga dhageestay guddi hoosaadka Xog-raadinta,  kuwaas oo sheegay in ay jiraan deegaanno hor leh oo daadadku ay saameeyeen oo ay ugu daranyihiin deegaanno ka tirsan Jubaland.

 

Kulanku  intii uu socday ayaa waxaa la isla gartay in lasii laba jibbaaro dadaallada loogu gurmanayo qoysaska Soomaaliyeed ee daadadku ku dhibaateeyeen qeybo badan oo kamid ah dalka.

 

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in lacag dhan Hal Milyan oo Doolar hore dawladdu ugu yabooday gurmadka hase yeeshee dhibaatada ay daadaku geysanayaan oo soo kodhay aawadeed in dawladdu mar kale ay bixineyso Nus Milyan doolar oo dheeraad ah si loogu biiriyo gargaarka.

 

“Warbixinta aan helnay ayaa sheegeysa in deegaanno kale oo badan ay daadad saameeyeen, marka dawladdu waxa ay bixineysaa Nus Malyuun dheeraad ah si loogu gargaaro dadka dhibaatadu kasoo gaadhtay fatahaadaha”, ayuu yidhi Ra’iisual wasaare ku-xigeenku.

 

Mudane Khadar ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ee wax heystaa ay ka qeyb qaataan gurmadka si loo badbaadiyo Kumanaaka qoys  ee dhibaatadu kasoo gaadhay daadadka.

 

—DHAMMAAD—-

 

Axmed-nur Maxamed

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka

Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post