X
    Categories: Warar

Xukuumadda Soomaaliya Oo Go’aan Ka Qaadatay Hay’addaha Caalamiga Ah

Golaha wasiiradda Somalia

 

 

Muqdisho(ANN)-Golaha wasiirrada xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, waxa ay ku ansixiyeen go’aan khuseeya hay’adaha caalamiga ah oo dhawaan ay soo saartay wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Go’aanka ayaa mamnuucaya in hay’adaha caalamiga ah ee hawl-gala gudaha Soomaaliya ay xafiisyadooda khuseeya arrimaha dalka ay ku yaallaan meel ka baxsan gayiga Soomaaliya.

Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, oo August 29, 2018 kulan la qaatay madaxda hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka hawl-gala ayaa ku war-geliyay ga’aan ay dawladdu qaaday oo dhigaya in dhammaan hay’adaha caalamig ah ay xafiisyadooda ka furtaan gudaha dalka, kuna shaqo billaabaan kahor Janaayo 01, 2019, isaga oo ku wargeliyay in hay’addii u hogaansami wayda go’aanka dawladda lagala laabanayo ruqsadda.

Qorshaha hawl-gelinta xafiisyada hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa fududaynaya dardar-gelinta hawlaha isku tolan iyo wada-shaqaynta hay’adaha iyo dawladda federaalka Soomaaliya.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post