X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somalilnd Oo Heegan Gelisay Ciidammada Kala Duwan Ee Qaranka

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inay heegan gelisay ciidammada kala duwan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa diyaaraddu aan la aqoonsan oo rasaas ku furay goobo ka tirsan degaanka Oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh horraantii toddobaadkan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa xaqiijiyey aannu wax khasaare ah ka dhalan diyaarad rasaas ku furtay goobo cidla’ ah oo ka tirsan degaanka Oodweyne, halka uu sidoo kale xusay in diyaarado kale ku xadgudbeen degaannada xeebta galbeedka Somaliland.
“Way jirtaa in habeen dhexdaas ahayd ay diyaarado meel (Oodweyne) kayn ah oo cidla’ wax ku rideen, mana aha wax aad loo hubo, meeshana cid kuma noolayn, cid ma deganayn, cidna waxba kuma noqon, markaa baadhis ayaa lagu jiraa,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
Waxa kaloo uu ka hadlay diyaarado la sheegay inay soo galeen hawada Somaliland ee dhinaca xeebta Saylac, waxaannu yidhi; “Diyaaraddan reer galbeedku waad ogtihiin oo meel walba mandaqadda saldhigyo ayey ku leeyihiin, markaa reer galbeedka iyo kuwan badda joogaba diyaaradahoodu way ku xadgudbaan xuduudaha oo way soo gal-galaan mararka qaarkood, markaa wax baa ka jira, laakiin ma aha wax aynu weli gacanta ku haynno.”
Wasiirka Daakhiliga, ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinka ay xukuumad ahaan qaadeen si ay wax uga qabtaan diyaaradaha xad-gudubka ku sameeyey dulka iyo hawada Somaliland.
“Meel walba heegan ayaannu gelinnay, ciidanka Ilaalada badda, ciidammada kale ee dalka iyo maamullada gobolladaba, waxaanan ku amarnay inay la socdaan dhaqdhaqaaqooda iyo waxa ay yihiinba. Waxa kaloo ka badan oo la qaban lahaa hadda ma jiro, si tuugo ah ayeyna ku yimaaddaan iyo waqti aan la filayn, wax khasaare ahna ma ay geysan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Wakiillada, ayaa ansixiyey Wasiirka Daakhiliga Somaliland shalay, halka sidoo kale cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Farxaan Aadan Haybe.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post