X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Xoriyadooda u Celisay Maxaabiis ku Eedaysanaa Budhcad-badeed Lagu Hayey Jeelka Hargeysa

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xoriyadooda u celisay maxaabiis ku eedaysanaa inay yihiin budhcad-badeed oo ku xidhnaa jeelka weyn ee caasimadda Hargeysa muddo ku dhaw afar sanno iyo afar bilood.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Caddaaladda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadare, maxaabiista la sii daayey oo tiradoodu dhan tahay 7 qof waxa ay ku jireen xabsi ku yaal dalka Seychelles (Siishelis) oo ah jasiiradu ku yaal badweynta Hindiya ee bariga qaaradda Afrika, kuwaasoo lagu soo wareejiyey Somaliland bishii December ee sannadkii 2012.
“Somaliland iyo Seychelles, iyagoo ahmiyadda siinaya horumarinta hannaanka kala-wareejinta maxaabiista, si loo dhiirigeliyo dhaqan-celinta maxaabiista xukumay, iyagoo fursad loo siinayo in ay xukunkooda ku dhammaystaan dalalkooda amma dal dhaqan ahaan iyo diin ahaan ay fahmayaan, ayaa ujeeddadan tarteed ay is-afgarad u wada galeen labada dawladood sannadkii 2011 si loo soo wareejiyo maxaabiista budhcad-badeeda Soomaalida ah, xukunkooda inta hadhayna ugu qataan Xabsiga Hargeysa.”
“Sidaa darteed, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladdu waxa uu amray sii daynta 7 maxbuus oo xukunkooda ku dhammaystay Xabsiga Hargeysa (Maxbuus kasta wuxuu ku xukunaa 10 sanndood oo xadhig ah, waxaana xukuntay Maxkamadda Sare ee dalka Seychelles, iyadoo Hargeysa loo soo wareejiyey bishii December 2012,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasiirka Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post