X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Xayirtay In Ay Dalkeeda Ka Hawlgalaan Laba Ka Mid Ah Telefishanada Ka Shaqeeya

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)– Dawladda Somaliland ayaa shaqadii ka joojisay laba Telefishan oo ka mid ah kuwa ka hawlgala gudaha Somaliland, kuwaas oo Xukuumaddu ku eedaysay inay warar dhinac ah baahiyeen.

Sida lagu sheegay Qoraal xayiraad ah oo kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Somaliland, ayaa lagu sheegay in qofkii war u dira labada Telefishan ee la xayirtay talaabo laga qaadi doonno

“Waxa caddaan ah in labada telefishan ee kala ah SBS TV & SOMNEWS TV ay ku kaceen falal olole siyaasadeed iyo dagaal borobagaando cad oo ay ku hayaan qaranka Somaliland”ayaa lagu yidhi qoraalka.

Sida lagu sheegay qoraalk, waxa  lagu eedeeyey labada Telefishan ee la xiyiray qodobadan hoos ku qoran:.

Telefishanka SBS
Waxa uu caado ka dhigtay telefishanka SBS in uu sameeyo, isla markaasina baahiyo warar iyo barnaamijyo been-abuur ah oo qaawan iyo kicin dadweyne oo fidno abuur ah.

Tusaale cad waxa u ah falalkaas siyaasadeed iyo kicintaas muuqaallada iyo heesaha joogtada ah ee guubaabada ah ee loogu hanjabayo Somaliland, isla markaasi loogu samaynayo borobagaandhe taageero ah Puntland.

Telefishanka SOMNEWS TV.

Sidoo kale telefishanka Somnews TV waxa uu isna si joogto ah u baahiyaa baaqyo kicin iyo guubaabo qabiilaysan, kuwaasi oo fidno ka dhex abuuraya bulshada Somaliland.

Tusaale waxa u ah falalkaas siyaasadeed iyo kicintaas muuqaallada iyo barnaamijyadda qabyaaladaysan oo guubaabo dagaal ah oo ka baxay Somnews TV wakhtiyo kala duwan laga soo bilaabo taariikhdu markay 21 May 2018.

Sidaa awgeed, waxa muuqata in telifishannadaasi ay lumiyeen dhexdhexaadnimadii iyo dhawristii xeerarka waaqicinimada saxaafadda, sugnaanshaha xogta, iyo anshaxa mihnadda saxaafadda ee laga filayey in ay dhawraan. Isla markaasina, waxa ay jebiyeen Telifishanadaasi shuruudihii laga doonayey hay’ad kasta oo warbaahineed oo ka shaqaynaysa Somaliland inay dhawrto.

Sababahaasi awgood Wasaaaradda Warfaaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland waxay soo saartay amar ay kaga mamnuucayso telifishannadaasi SBS & SOMNEWS in ay ka hawl galaan amma wax shaqo ah ka qabtaan dalkan Somaliland gudihiisa.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post