X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Xayiraadii Ka Qaaday Jaadka Ay Hore U Mamnuucday

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici , isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida maaraynta iyo ka hor-tagga Xannuunka Covid-19, oo ku shaacinaya go’aanka qaadka lagu joojiyay, isagoo xidhan Gafuur-xidhka astaanta u noqday Coronavirus iyo galoofis, Hargeysa 23 April, 2020, Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa soo saartay go’aan dib loogu fasaxayo qaadka ka imanayay dalka Ethiopia ee ay hore u joojisay, kadib markii loo arkay inuu sabab u noqon karo faafitaanka xannuunka Coronavirus oo kusii kordhayay dalka.

.

Guddida heer Qaran ee u-diyaar-garowga iyo ka hor-tagga xannuunka COVID-19, ee Somaliland, ayaa soo saaray go’aan dib loogu fasaxayo qaadka, wixii ka danbeeyay maalinta Axada 17 May 2020.

Go’aan uu ku saxeexanyahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ah guddoomiyaha guddida heer Qaran ee ka hor-tagga xannuunka Coronavirus, waxa uu go’aanka uu maanta soo saaray ku sheegay in mudadii hore qaadka loo hakiyay ay ka hadhay Afar maalmood, sidaa awgeed ay la socod siinayaan ganacsatada qaadka keeni jiray in wixii ka danbeeyay Axada ay keeni karaan.

Qoraalka dib loogu fasxay qaadka, ayaa la raaciyay qodobo la doonayo in ay raacaan dadka qaadka iibinaya iyo goobaha lagu iibinayo, si loo dhawro caafimaadka dadka maadaama uu jiro xanuunka Coronavirus oo weli ku faafaya bulshada.

 Go’aanka uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee dib loogu fasaxay qaadka ayaa ahaa sidan:-

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post