X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Afar Ka Mid Ah Kooxda Fanka Ee Xiddigaha Geeska

Xidigaha geeska oo kasoo degaya Madaarka Hargeysa ka hor intii aan la xidhin 27 Sep 2015

Hàrgeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Afar ka mid ah Xiddigaha Geeska oo dhowaan safar fanneed ugu baxay dàlka Somalia, isla markaana màanta kusoo laabtay Hargeysà. Kadib markii ay magaalada Muqdisho kasoo sameeyeen bandhig fanneed.

Khadra Sinimoo oo ka mid ah Fannaaniinta xiddigaha Geeska, bàlse aan safarkaa ku wehelin, ayaa ku tilmaantay tallaabada xukuumadda Somaliland ku xidhay Afar ka mid ah Kooxdooda mid aan sharci ahayn, bàlse Wasir ku xigeenka Arrimaha guddaha Somaliland, ayaa difaaca xadhiga Kooxdaa, wuxuuna ku tilmaamay kuwo ku gefey shaciga iyo nidaamka qaranimada Somaliland.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Arrimaha Guddaha Somaliland Mr. Caddare, ayaa ku dooday in afarta fannaan ee là xidhay qaab khiyaamo ah dàlka uga baxeren, isagoo sheegay in ay xukuumadda u sheegeen inay tegayaan dàlka Kenya, bàlse ay Muqdisho ka degeen, isla martkaana kaga qayb galeen maaalada Muqdisho barnaamij ka dhan ah qaranimnada Somaliland .

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in kooxda Fannaaniinta ee Xiddigaha Geeska ka mid yihiin Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta oo sida uu sheegay ay mushahar ka saàraan. Sidaa awgeef ay shaqaale dawladeed yihiin tallaabada ay qaadeen kooxda là xidhayna ay yahay mid get ku ah sharciga dàlka.

Fannaaninta là xidhay ayaa kala ah Xamdda Kuwiin, Maxamed Axmedf Bakaal, Nimcaan Hillaac iyo Cabdiraxmaan Axmed jaamacadii (Cabdiraxmaan Oday.)

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252  63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post