X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Sarkaal Ka Tirsan Dawladda Federaalka

Cabdiqani Yaasiin Maxamed

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabtay sarkaal ka tirsan xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo booqasho qarsoodi ah ku joogay magaalada Caasimada ah ee Hargeysa.

Sarkaalka la qabtay oo lagu magcaabo Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa ah xoghayihii xafiiska ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Ma Jiro wax war ah oo xukuumadda Somaliland Iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo la xidhiidha xadhiga sarkaalka oo laga qabtay gurigiisa oo Hargeysa ah.

Somaliland waxa Jira sharci dhigaya in qofkii xil Ka Qaybta dawladda Soomaaliya ee kasoo Jeeda Somaliland lagu qaado xeerkaa oo dhigaya inuu lagu qaado khiyaamo qaran, haddii aanu jirin cafis madaxweyne oo aanu ku soo gelin Dalka.

muddooyinkii u danbeeyay waxa soo badanyahay saraakiil xilal ka haya dawladda Federaalka ah, kuwaas oo si qarsoodi ah kusoo gala Somaliland, Isla markaana ku noqday muqdisho marka ay hawlohooda dhamaystaan, Isla markaana si qarsoodi ah u fuliya qorshayaal siyaasadeed ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya doonayso in ay si hoose uga fuliso gobolada Somaliland.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post