X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Xaalad Caafimaad Dalka Imaaraadka Ugu Qaaday Xaaji Cabdikariim Xuseen

Araweelo News Network

Xaaji Cabdikariim Xuseen iyo Ambassador Baashe Cawil


Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa dalka Imaaraadka ugu qaaday xaalad caafimaad Xaaji Cabdikariim Xuseen oo caan ku ah (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah Odayaasha ugu magaca weyn golaha guurtida Somaliland. sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.
Qoraalka, ayaa u qornaa sidan:-“Subaxnimadii hore ee Saaka waxa Madaarka Diyaaradaha ee Egal International Airport ka dhoofay Ambassador Baashe Cawil Cumar oo uu wehelinaayo Oday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo Xaalad Caafimaad Safiirku u qaaday.

Safarkan ayey ujeedadiisu ahayd Xaalad caafimaad oo Xaaji Cabdikariim loogu qaaday dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii Madaxweynuhu warqad caafimaad uga dalbay Imaaraadka Carabta iyaguna ay ka aqbaleen in Xaajiga loo qaado Imaaraadka si uu xaajigu wax uga ogaado xaaladiisa caafimaad oo hada maraysa halkii ugu wanaagsanayd ayaa la filaayo inuu halkaasi u tago shaybaadh guud iyo in uu la socdo caafimaadkiisa wakhtigan.

Waxa halkaa ka hadlay Xaaji Cabdikariim, oo ugu horayn u mahadnaqay Madaxweynaha, Safiirka iyo Imaaraadka Carabta, sidoo kale waxa isna faahfaahin ka bixiyey Safarka Xaajiga Wasiirudawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka oo isna ka hadlay doorka madaxweynuhu ku leeyahay in xaajiga loo qaado imaaraadka iyo in xaalada xaajigu tahay taam wakhtigan Allena uu uga rajaynayaa inuu u siyaadiyo Caafimaadka.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhinaca kale Xaaji Cabdikariim oo mudooyinkan xanuunsanayay, ayaa todobaadkii hore dalka Ethiopia loo qaaday, halkaas oo caafimaad ahaan loo geeyay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post