X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ugu Baaqday Koox Wadday Qiimaynta Wasiiradda Inay Faraha Kala Baxaan

Araweelo News Network

Astaanta

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa uga digtay koox ku hawlan waxay ugu yeedheen qiimaynta wasiiradda in ay joojiyaan. Sidaana waxa lagu sheegay  War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, kaas oo loogu baaqay in ay faraha kala baxaan shaqada dawladdda, dad sheegtay inay qiimayn ku samaynayaan xubnaha golaha wasiirrada, maadaama oo aan loo aqoonsanayn Akaadamiyad cilmi, siday werisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA .
Waxa kaloo xukuumaddu ay qiimaynta shakhsiyaadku wadaan ku sifeysay mid aan cilmi ku dhisnayn, waxaanu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Toddobaadyadii la soo dhaafay waxa warbaahinta ay ku faafiyeen dad isku sheegay inay yihiin urur qiimayn ku samaynaya xubnaha Golaha Wasiirrada, waxayna taasi fajac iyo amakaag ku ridday dadweynaha iyo xukuumaddaba, maadaama ururkani aanu ahayn mid sharciyan loo aqoonsan yahay inuu fuliyo hawsha miisaankaas leh, isla markaana aanay dawladdu waxba kala socodsiin.

Qiimaynta noocan oo kale ah waxa dunida ka fuliya Akaadamiyad aqooneed oo leh khibrad cilmi baadhiseed oo xambaarsan takhasusaad , khibrad iyo aqoon, waxaana mar kasta oo ay baadhitaano la xidhiidha qiimayn abaalmarineed samaynayaan waajib iyo lagama maarmaan u ah inay xidhiidh toos ah la sameeyaan hay’adda ama cidda kale ee la qiimaynayo, iyadoo ra’yi ururintana loo fuliyo habab u gaar ah oo kala duwan.

Sidaas darteed, ururkaas sheegtay inuu wado qiimayn uu ku sameynayo xubnaha Golaha Wasiirrada, ma jiro wax xidhiidh ah ama xog-ururin ah oo uu la sameeyey wasaaradaha, sidaas awgeed, waxaa muuqata in la doonayo in la soo saaro qiimayn aan cilmi ku fadhiyin, iyadoo la tuhunsan yahay inay arrintan lacag ku bixiyeen isla markana dabada ka riixayaan siyaasiyiin iyo dad kale oo dano gaar ah ka leh, si sumcada iyo karaamada looga dilo xukuumadda Somaliland, isla markaana la doonayo in la soo saaro qiimayn kala qoqobaysa bulshada dhexdeeda, laguna xajiimaynayo geeddi-socodka toosan ee nidaamka maamul ee dawladda.

Xukuumadda JSL waxay uga digaysaa ururkan gacanta kula jira arrintan, inay si degdeg ah faraha ugala baxaan maamulka xukuumadda, maadaama aanay qiimayntu ahayn mid ka soo baxaysa Akaadamiyad sharci oo loo aqoonsan yahay hirgelinta qiimaynta abaalmarinada heer qaran, annagoo farayna inay faragelinta ka daayaan shaqooyinka maamulka xukuumadda, xogo shakhsiyaad tilmaaman laga soo ururiyeyna bulshada looguma sawiro karo inay tahay xaqiiqo dhab ah oo cilmiyeysan.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post