X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland oo u soo Jeedisay Bulshada inay Maalgashadaan Khayraadka Badda

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqay bulshada inay ka qaybaqaataan sidii maalgashi loogu samayn lahaa khayraadka kala duwan ee ka buuxa badda.

Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Fu’aad Cabdisalaaan Xaaji Xasan oo waraysi siiyey warbaahinta dawladda shalay, waxa uu tilmaamay inay wasaarad ahaan ku dedaalayaan sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka badda.

“Runtii baddeennu waa hodan, waxaanan dhammaanba shacabka reer Somaliland u soo jeedin lahaa inay ku dedaalaan sidii ay ugu soo jeedsan lahaayeen khayraadka baddooda, kana qaybqaataan sidii ay hantidooda u gashan lahaayeen ka faa’iidaysiga khayraadka ka buuxa, isla markaana maalgashadaan khayraadka baddeennu hodanka ku tahay, taasina wax ayey ka beddelaysaa dhaqaalaheenna, nolosheenna kor ayey u qaadaysaa,horumarka iyo hiigsiga qaranka Somaliland leeyahayna wax weyn ayey ka taraysaa,” ayuu yidhi Agaasime Fu’aad.

“Waxaannu ku dedaalaynaa wixii baahiyo ah ee awoodayada ah oo aannu qaban karno in aannu qabano, runtiina aanaan ka gaabin, gaar ahaan wixii aannu xukuumad ahaan awoodayno aannu taageerno; haddii ay tahay kalluumaysatada iyo horumarintoodaba, kana shaqaynno horumarkooda.”
Agaasimaha Guud, ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya hay’adaha wada-shaynta la leh Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland.
“Hay’adaha wada shaqayntu naga dhexayso xidhiidh fiican ayey Wasaaradda Kalluumaysiga hore u soo lahaayeen, imminkana ay leeyihiin, runtiina muddadii aan xafiiska joogayna xidhiidh aad u wanaagsan ayaannu lahayn, mar walbana waannu ka wada soconay halka arrimuhu marayeen, meel fiicanna shaqadu way noo maraysaa, waxaanan ku rajo weynahay in aannu mar walba xidhiidh dhaw la yeelano hay’adaha aannu wada shaqaynta la leehahay sidii ay noogala shaqayn lahaayeen hiigsiga iyo qorshayaasha Wasaaradda u dejisan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post