Araweelo News Network
madaxweynexigeenkaseylicideganka
Hargeysa (ANN)Dawladda Somaliland, ayaa shaacisay tirada dadka gurmad degdeg ah u baahan ee ay saamaysay abaarta adag ee ka jirta inta badan dalka, gaar ahaan gobollada Galbeed oo kuwa ugu daran ah.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku dhawaaqay in dad tiradoodu kor u dhaafayso hal milyan oo qof ay ku jiraan xaalad adag oo u baahan gurmad lala gaadho abaarta daran eek u habsatay darteed, isla markaana ay si xoog leh u dhimanayaan xoolihii noolaa ee la dhaqanayey.

Sidaasna waxa lagu soo bandhigay daraasad laga sameeyey heerka dhibaatada abaartu gaadhsiisay dadka iyo duunyada, taas oo kulan shaacinteeda loogu qabtay huteelka Maansoor ee Hargeysa shalay uu ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo qaybo ka mid ah daraasaddaasi soo xiganayey waxa hadal uu ka jeediyey madasha uu ku yidhi, “Baadhitaan dheer oo la sameeyey waxa muuqata in abaartu taabatay dad tiradoodu hal milyan kor u dhaaftay, kuwaas oo u tabaalaysan cuno iyo biyo la’aan, iyadoo ay u sii daranyihiin dadkii wax-soo-saarayey ee beeraleyda ahaa oo sida daraasaddu muujisay dallagii 2015-tii marka la barbardhigo kii 2014-kii waxa soo go’ay oo keliya boqolkiiba 14%, waxa meesha ka baxay boqolkiiba 87%, taasi waxay inoo muujinaysaa in maanta beeralaydii wax raashin oo ay haystaan habayaraatee aannu jirin.

Runtiina waxa bilaabay dhimashada xoolihii ummaddu dhaqanaysay sida lo’da, Geella iyo Adhiba, iyadoo ummaddii reer Somaliland ee gobollada Galeedka iyo xoolo-dhaqato reer Itoobiya ahi isugu tageen dhul yar oo ah inta u dhashaxaysa Galbeedka Berbera iyo Galbeedka Saylac oo uu uu koobnaa roobkii Xayska ee sannadkan ee aynu awal Ilaahay uga baranay inuu ka da’o xeebaha oo dhan, halkaas oo muddo yar kadibna xaaluf noqotay.”

Md. Cabdiraxmaan Saylici waxa uu baaq qaylo-dhaan gurmad u ganacsatada, qurba-joogga, guud ahaan shacabka iyo beesha caalamka in loo diyaargaroobo sidii dadkaasi loola gaadhi lahaa cunto iyo biyo, maadaama aanay haysan uga soo horreeya roobka xilliga Guga ee soo socda.

“Waxaannu baaq dheer ugu sheegaynaa beesha caalamka in ummadda reer Somaliland u baahan tahay gurmad oo abaartu aafaysay dad ka badan hal milyan oo qof,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com