X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Xilliga Ay Dhammaanay Wadada Ceergaabo Iyo Wadada Ku Xigta

Oodweyne(ANN)- Wasiirka Gaadiidka iyio Horrumarinta Wadooyinka Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaadi),  ayaa ka hadlay xilliga ay dhammaanay wadada Ceergaabo.

Wasiirka Gaadiidka iyio Horrumarinta Wadooyinka Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan Araweelo News Network

Sidoo kale, waxay ka hadleen wadada u qorshaysan inay ku xigto ee la bilaabayo, waxayna sidaa ka sheegeen Guddoomiyaha Baanka iyo wasiirka Gaadiidku mar ay maanta booqdeen Magaalada Oodweyne.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha oo lagu soo dhoweeyay deegaankaa, ayaa la hadlay bulshada, waxayna ugu bushaareeyeen inay booqashadoodu la xidhiidho sidii wadada oo horre loo bilaabay xilligii xukuumaddii hore ee KULMIYE, dib loo bilaabayo.

 “Wadadani waxa ay ahayd halbawlaha saddexaad ee qarankani  leeyahay markaa waxaanu garanay maadaama oo wadada Ceerigaabo sannadkan soo socda ay gebo gebo tahay, Wadada Saylac iyo Booramana bangiga horumarinta Afrika uu inaga damaanad qaaday  in wadadan Oodweyne noqoto wadada sadexaad ee la dhiso, waxaananu  ku jirnaaa diyaar garawgii, waana idiinku bushaaraynayaa dadweynaha reer Oodweyne amma gobolada Daadmadheedh, Togdheer iyo Maroodijeex in wadadan sida ugu dhakhsaha badan  loo bilaabi doono haddii Allah aqbalo”

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaadi) Araweelo News Network

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaadi) oo isna ka hadlay halkaa, ayaa yidhi,  “Aniga iyo wasiirka gaadiidka iyo horrumarinta jidadku waxaanu qabanay Ceerigaabo ahmiyada u weyn ee aanu tagnayna wax ay ahayd inaanu jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco wejigii labaad uu wasiirku furo oo qalab badan oo loo iibiyey,  sababta aanu idiin soo marnayna waxa ay ahayd sida wasiirku sheegay in wadada koowaad ee ugu muhiimsan oo ahayd Ceerigaabo iyo Burco wadada isku xidha, ta labaadna ay ahayd Saylac iyo Boorama ta isku xidha,  markaa Oodwyene iyo Burcona ta isku xidhaa waa ta sadexaad, taa galbeedkana waxa ku balanqaaday inay dhisaan Baanka Horumarinta Afrika (Afrika Development Bank), markaa nasiib ayaynu  u yeelanay in aynu kaalinta labaad soo galno hada wadada Oodweyne”.ayuu yidhi, Baqdaadi.

Bulshada Oodweyne

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Badhasaab ku xigeenka Oodweyne Maxamuud Axmed Cali (Juba) oo ka waramay waxyaabaha adeegyada aasaasiga ah ee laga qabtay deegaanka mudadii xukuumaddu jirtay.

Bulshada Oodweyne ee masuuliyiintu la hadleen

Sidoo kale, waxa halkaa hadalo ka jeediyay Duqa magaalada Oodweyne Cabdixakiin Nuur Muuse oo ka waramay baahiyaha deegaanka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post