Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay suuqyo cusub u raadinayso dhoofka xoolaha nool ee dalka oo sayladda ugu wayn ee loo iibgayn jiray ay ahayd waddanka Sucuudiga oo hadda ogolaaday inuu qaato xoolaha kadib markii uu hore xayiraad u saaray in xoolaha Soomaalida loo dhoofiyo sababo la xidhiidha caafimaadkooda dartood.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu booqday sayladda xoolaha nool ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Sucuudigu ogolaaday inuu furo dhoofka xoolaha waqtiga Xajka ee hadda loo diyaargaroobayo, waxaannu yidhi, “Ujeeddada socdaalkayagu waxa uu daaranyahay oo keliya in aannu ummadda ugu bushaarayno iibkii ama dhoofkii xoolaha nool ee tagi jiray dalka Sucuudiga oo muddo innaga xayirnaa in la inoo furay, dadaal badan iyo baryada Ilaahay oo la innaga aqbalay kadib dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxa ay inoo ogolaadeen in aynu dirno moosinka Xajka xoolihii noolaa ee aynu awalba diri jirnay.”
Wasiir Cukuse waxa uu xusay in ay xukuumad ahaan wadaan dadaal lagu raadinayo suuqyo kale oo cusub oo loo dhoofiyo xoolaha nool ee Somaliland si aan loogu tiirsanaan saylad keliya, taasina ay rajo fiican ka qabaan, “Waxa kaloo jira dalka Imaaraadka Carabta ayaa isaguna socdaalkii aannu dhawaan ku tagnay ee Madaxweynuhu hoggaaminayey waxa uu innaga ogolaaday inuu si gaar ah fursado oo uu noqdo dal kale oo aynu xoolaha u dhoofinno oo ganacsatada waawayn ee Carbeed iyo Sucuudiga ee sayladaheenna xoolaha wax ka iibsata ay ku soo biiraan tijaar kale oo dalka Imaaraadka Carabtu leeyahay, waxaannu isku dayeynaa in sayladda iibka xoolaha aannu kordhinno dhulka aynu u dhoofin karno oo aynaan ku koobnaan inta aynu iminka u dirno oo keliya, waad ogtihiin waxaynu xoolaha u dirnaa dalalka Khaliijka oo uu ugu wayn yahay dalka Sucuudigu, waddamada kale ee Cumaan, Baxrayn, Yemen Imaaraadka iyo Masar intaas oo dhan oo aynu xoolo u dirno waxa dhammaantood ka fara badan oo xoolaha aynu u dirno Sucuudiga, waxaynu daydayeynaa ummado iyo dalal kale oo dunida ah oo u baahan in iibka xoolahaasi ay ka qaybgalaan oo jira, laakiin duruufaha ganacsi ee ku xeeran hadday tahay masaafada aynu isku jirno ama gaadiidka qaadaya xoolaha iyo haddii ay noqon lahayd xidhiidhka aynu waddamadaa la leenahayba ayaanu doonaynaa Ilaahay inuu inala qabto oo aannu isku dayno oo aynu helno saylad intan ka ballaadhan,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu tilmaamay in xayiraad ka qaadista dhoofka xoolaha nool ee Somaliland uu dawo u noqon karo xaaladda sicir-bararka ba’an ee ka jira dalka, maadaama xoolaha nooli yihiin khayraadka ugu wayn ee Somaliland dibadda u dhoofiso.
“Maanta dalkeenna waxa ka jira sicir-barar ay qayb wayn ka ahayd xidhitaankii dhoofka xoolaha, Ilaahay waxaannu ka baryeynaa lacagta faraha badan leh ee iibka xoolahaasi sayladaha ka soo galaysa in sicir-bararka ay wax wayn ka tari doonto, waanay jabinaysaa doollarka oo waxay ku celin doontaa halkiisii,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).